Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Xadhiga Sh. Aadan-Sune

0
475

Hargeysa(Geeska)-Taliska Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay socoto dacwadda Sheekh Aadan-sune, waxaanay soo jeediyeen in wada sugo natiijada dacwadaas oo ay sheegeen inay maxkamadda ka socoto.

1

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis, oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu beeniyay in Sheekh Aadan-sune u xidhanyahay taliyaha Booliska, isagoo bedelkeed sheegay inuu u xidhanyahay sharciga dalka, “Warar beryahan ka baxaya meelahaas oo ah in sheekh Aadan sune uu u xidhanyahay taliyaha ciidanka booliska, warkaasi waa mid xaqiiqada ka fog  oo been ah, taliyaha ciidanka booliska cid isaga u xidhani ma jirto, sheekhaasi wuuu xidhanyahay kiiskiisana waxa gacanta ku haysa maxkamadda iyo xeerilaalinta, dhagaysigiisii ayaa socda, eheladiisa iyo dadkuna way dhagaystaan, wixii go’aan ah ee halkaas ka soo baxana waan u wada joognaa.”

Afhayeenka Boolisku wuxuu intaas raaciyay “Hase yeeshee ma fiicna in masuuliyiinta qaranka la xag xagto ama wax aanay gayin laga sheego, mar labaad iyo saddexaad waxaan halkan ka waadixiinayaa in taliyaha booliska aanay jirin cid isaga  u gaar ah oo u xidhan, weligeedna may dhicin imikana dhici mayso.”

Sheekh Aadan-sune ayaa muddo laba bilood ku siman ku jira xabsiga, ka dib markii ay dawladdu habeen gurigiisa kala baxday.