Talefannada Gacanta Ee Ay Sida Gaarka Ah U Isticmaalaan Hoggaamiyeyaasha Dunida Iyo Sabata

0
832

Washington (Geeska)- Maraykanka: Muddo sannado ah ayaa ay hoggaamiyeyaasha dunidu u badnaayeen isticmaalka talefanka gacanta ee shirkadda Blackberry oo marka hadalka laga tago ay u isticmaalayeen internet ka si ay uga eegtaan farriimahooda e-mailka loogu soo diro. Talefankaas waa weli jecel oo isticmaala madaxweynaha Maraykanka Barak Obama oo isticmaala Blackberry ay si gaar ah ugu farsamaysay wakaaladda amniga qaranka ee dalka Maraykanka, laakiin Guriga Cad ee Maraykanku waxa uu bishii hore sheegay in uu madaxweynuhu ka fikirayo tijaabinta talefannada kale ee ay sameeyaan shirkadaha SAMSUNG iyo LG, arrintaas oo dad badan ku dhiirri gelisay in ay in ay iibsadaan talefannada shirkadaha uu guriga cad magacaabay, isla markaana shirkadda Blackberry oo dalka Canada laga leeyahay ku kallifay in ay bilowdo dadaal ay kor ugu qaadayso sumcaddeeda iyo xayeysiisyo dheeraad ah oo suuq cusub ku raadinayso kagana hor tegeyso sumcad darrada kaga iman karta hadalkan ka soo baxay guriga cad, shirkadda blackberry oo ka mid ahaan jirtay shirkadaha loogu jecel yahay dunida, laakiin muddooyinkan dambe waxaa ka suuq badnaa shirkadaha IPhone iyo Samsung, waxa aanay shirkadda Blackberry sannadkii hore oo keliya khasaartay lacag dhan 5.8 Bilyan oo doolar. Marka la eego dhinaca amniga waxaa illaa hadda la aamisan yahay in shirkadda Blackberry ay tahay tan ugu fiican ee ka hortegi karta isku dayada basaasiintu ay ku soo dhex gelayaan talefanka, waana sababta uu guriga Cad illaa hadda ugu sii dheggen yahay isticmaalkiisa, laakiin shirkadaha Sumsang iyo Apple ayaa bilaabay in ay iyaguna kor u qaadaan dhaqaale badanna geliyaan adkaynta talefannadooda casriga ah.

Jarmalka: Talefanka gacanta ee u gaarka ah raysalwasaaraha dalka Jarmalka Angela Markel ayaa bilihii u dambeeyey ahaa kan dunida oo dhan loogu hadal haynta badan yahay, kadib markii ay soo baxday fadeexaddii sheegaysay  in sirdoonka Maraykanku uu muddo dhegeysanayey talefannada raysalwasaaraha. Angela Markel waxa ay adeegsataa ugu yaraan laba talefan, laakiin kan ay joogtada u isticmaashaa waa talefan ah nooca Nokia 6260 oo leh nidaam adag oo loogu talo galay in uu ka ilaaliyo soo dhex gelidda, laakiin sida uu caddeeyey basaaska CIA ee baxsiga ku jooga dalka Ruushka Edward Snowden muddo ayaa uu sirdoonka Maraykanku dhegeysanayey talefannada haweenaydan.

Pakistan: Dalka Pakistan oo caan ku ah isticmaalka talefannada casriga ah, la isuguna faano sida ay u kala casrisan yihiin iyo quruxdooda oo qaarkood ay ka samaysan yihiin dahab, waxaa ka jira dhaqan ah in qofka hayntiisa laga qiyaaso talefanka gacanta ee uu isticmaalo. Raysalwasaaraha dalka Pakistan Nawaz Shariif waxa uu isticmaala talefannada gacanta ee IPhone iyo Samsung oo ay leeyihiin gacan-yareyaashiisa gaarka ah iyo shaqaalaha ka ag dhow, waxase uu si gaar ah u leeyahay talefanka Blackberry oo uu kala xidhiidho qoyskiisa, iyo siyaasiyiinta xulafada la ah ee uu doonayo in ay helaan lambar ay si gaar ah mar kasta uga heli karaan.

Ruushka: Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa caan ku ah in aanu isticmaalinba talefanka gacanta, laakiin waxaa ka duwan raysalwasaarihiisa Dmitri Medovodiv  oo horena madaxweyne uga ahaa dalka Ruushka oo isagu caan ku ah jacayl gaar ah oo uu u qabo isticmaalka talefannada iyo guud ahaanba qalabka shirkadda Aple. Raysalwasaare Dmitri waxa uu ka mid ahaa dadkii dunida ugu horreeyey ee isticmaala talefanka gacanta ee IPhone 4 oo uu sannadkii 2006da hadyad u siiyey mulkiilihii aas-aasay shirkadda Iphone ee geeriyooday. Putin dhowr jeer oo wax laga weydiiyey isticmaalka talefanka gacanta waxa uu sheegay in uu leeyahay talefanno badan laakiin aanu midkoodna isticmaalin. Waxa aanu ku sababeeyey mashquulkiisa oo badan iyo isaga oo jecel in uu dadka kula xidhiidho hababka kale ee lagu xidhiidho, sannadkii 2010kana  Putin waxa uu yidhi, “Haddii aan talefanka gacanta qaato. Dhicistiisa ayaan mar keliya kala joogsanayn”

In kasta oo uu Putin sidaa ku dooday, haddana dadka arrimahan u dhuun daloolaa waxa ay sheegaan in sababta ugu weyn ee Putin u isticmaali waayey talefanka gacanta iyo weliba internet ka oo aanu isticmaalin ay ay la xidhiidho dhinaca amniga, maadaama oo uu hore sarkaal sirdoonka ka tirsan u ahaan jirayna wax badan ayaa uu fahamsan yahay.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa isagu si aad ah u isticmaala talefanka talefanka gacanta ee IPhone 5. Madaxweyne Hollande waxa uu talefankan cod iyo farriimo ahaanba kala xidhiidhaa saaxiibbaddii Juli. Dadka dhaliilaana waxa ay ku doodaan in sharci ahaan ay qalad tahay in talefanka madaxtooyada dano aan shaqo ahayn oo gaar ah loo isticmaalo, laakiin taas dheg uma dhigo madaxweyne Hollande.

Laakiin waqti ka horreeyey markii ay fashilantay sirtii sheegaysay in uu Maraykanku dhegeysto talefannada muwaadiniin iyo madax dunida oo dhan ah, ayaa wasiirrada dalka Faransiiska laga joojiyey in ay talefanka gacanta kaga xidhiidhaan arrimaha muhiimka u ah qaranka. Waxa aanay wasiirradu si gaar ah u joojiyeen isticmaalka talefannada casriga ah.

Kuuriyada woqooyi: Waxaa jira warar badan oo sheegaya in hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi Kim Jung Il uu isticmaalo talefannada gacanta, warkaas oo aad u soo baxay sannadkii hore ee 2013ka markii la faafiyey sawirro uu ku jiro madaxweyne Kim Jung Il oo ka qayb galaya kulan ay lahaayeen golaha amniga qaranka isaga oo sita talefan kuwa casriga ah, gaar ahaan talefanka HTC ee ay samayso shirkad laga leeyahay dalka Taiwan. Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed oo ka faallootay arrintan ayaa sheegay in hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi uu talefankan u isticmaalo la xidhiidhista qoyskiisa iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga shaqaalaha ee uu hoggaamiyo.

Dalka Kuuriyada woqooyi oo ah dal ay adag tahay in xogtiisu dibadda u baxdo waxaa muwaadiniintiisa ka mamnuuc ah in ay talefanka gacanta u adeegsadaan wax ka badan hadalka iyo isu dirista farriimaha oo weliba dalka gudihiisa oo keliya ah.

Talyaaniga: Raysalwasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi oo ah raysawaaraha ugu da’da yar qaaradda Yurub ayaa la sheegay in uu si aad ah u isticmaalo talefanka gacanta ee IPhone, isla markaana si gaar ah u jecel yahay qalabka ay shirkaddaasi samayso.