Talefanka Gacanta Oo La Ogaaday In Uu Ka Wasakh Iyo Jeermis Badan yahay Fadhiga Suuliga

0
1081

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen khubarado ka tirsan jaamacadda Arizona ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in talefanka gacanta oogadiisa sare ay ku dhalato bakteeriya tobannaan jeer ka badan bakteeriyada ku dhalata inta badan ee kursiga suuliga ee lagu fadhiisto.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in sababta bakteeriyadan keenta ay u badan tahay dadka oo ay caado u tahay in ay mar kasta talefankooda gacanta ku sitaa, shaqada, marka ay meelaha cidhiidhiga ah marayaan, cisbitaallada marka ay booqdaan iyo xitaa dadka qaarkood oo ay dhaqan u tahay in ay suuliga laftiisana u sii qaataan.

Laakiin warka wanaagsan ee cilmibaadhistu sheegtay ayaa ah in aanay bakteeriyadan talefanka oogadiisa sare buux-dhaafhisay badankeedu uu yahay nooc aan dhibaato caafimaad darro dhalin karin, inta keeni kartaana ay tahay bakteeriya awooddii ka dhimatay oo aan imika xanuun sababi karin, laakiin haddana in bakteeriya ay sidaas kaaga agdhowaato ayaa ah arrin ay dhakhaatiirtu aad uga digayaan.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey oo ka talinayey sida ugu habboon ee talefanka gacanta looga fogeyn karo in ay bakteeriya ku dhalato ayaa sheegay saddexdan talo:

  1. Iska jir in aad talefankaaga gacanta u sii qaadato suuliga.
  2. Maalintii dhowrjeer gacmahaaga maydh, xitaa marka aad aaminsan tahay in ay nadiif yihiin ha ka deynin maydhista.
  3. Intii awooddaa ah iska yaree guud ahaanba isticmaalka talefanka gacanta.