Talefanka Casriga Ah Ee Gacanta Oo La Sheegay In Uu Saamayn Ku Leeyahay Korodhka Dhaqaalaha Addunka

0
972

Berlin (Geeska)- Talefanka casriga ahi waxa uu ka mid noqday qalabka casriga ah ee dunida ku soo kordhay midka loogu jacaylka iyo soo dhoweynta badan yahay dunida oo dhan. Laakiin talefankan casriga ah oo toankii sano ee u dambeeyey si aad ah dunida oo dha nugu faafay, ayaa yeeshay saamayn aan marka hore laga filayn oo dhaqaale.

Warmurtiyeed ka soo baxay dalad ay leeyihiin shirkadaha isgaadhsiinta iyo xogta tiknoolajiyadda ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 1.4 waxsoosaarka maxalliga ah ee dalka Jarmalka uu ku xidhan yahay talefannada casriga ah, taas oo la rajaynayo in sannadkan aynu ku jirno ay soo saarto dakhli gaadhaya illaa 45 Bilyan oo Yuuro. Warkan oo lagu soo beegay xilligan oo la filayo in dhowaan dalka Jarmalka uu ka bilowdo bandhigga weyne ee Eva lago soo bandhigo qalabka Elegtarooniga ah iyo isticmaalkiisa iyo sida oo kale qalabka lagu ciyaaro ee tiknoolajiyadda la xidhiidhsan.

Daraasaddani waxa ay caddaysay in tobankii qof ee kasta ee Jarmal ah ay siddeed ka mid ahi isticmaalaan talefanka gacanta, raadka uu isticmaalkan maalinlaha ahi ku yeeshayn nolosha dadkana ay ka mid tahay in uu wax ka beddelay qaabkii hore ee shaqada oo uu isagu noqday qayb aan laga maarmi karin oo shaqada ka mid noqday.

Waxa uu warmurtiyeedkani sheegay in suuqa talefanka casriga ah ee dalka Jarmalka dakhliga sannadkan iibkiisa ka soo baxay uu gaadhay 9.77 Bilyan oo Yuuro, taas oo aad uga badan dakhliga iibka ee ka soo baxay isugeynta iibka dhammaan qalabyada kale ee elegtarooniga ah ama maaweelada iyo ciyaarta loo isticmaalo.