Taleefankaaga Gacantu Waxa Uu Dilayaa Awooddii Xusuusasho Iyo Fahamkii Dabiiciga Ahaa Ee Maskaxdaada

46
2744

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa muujisay in taleefanka casriga ah uu maskaxda ka mashquuliyo fahamka macluumaadka iyo xusuusashadooda dambe. Sababaha ugu badan ee arrintan keenayana waxaa ka mid ah taleefanka casriga ah ee ujeedooyinka loo isticmaalayaa sii badanayaan oo sababay in qofku uu ku mashquulo, marar badanna kaga jeesto waxa hareerihiisa ka socda.

Sahamin cusub ayaa lagu ogaaday in qofka taleefanka casriga ah isticmaalaa ay u badan tahay in uu celcelis ahaan muraayadda taleefankiisa gujiyo 2’600 (Laba kun iyo lix boqol) oo jeer maalintii keliya, halka ay 85 jeer noqoto tirada inta jeer ee uu celcelis ahaan eeg-eego ama baadho talefankiisa, eegmadaas ama baadhistaas oo qaadata waqti u dhexeeya dhowr ilbidhiqsi illaa saacado. Waana sababta ay dadka taleefanka casriga ah isticmaalaa inta badan gacanta ugu sitaan illaa xad uu la dareen noqday sida xubin gacanta ka mid ah oo haddii uu ka maqnaado ay dhaqso u tebayso.

Cilmibaadhis lagu eegayey raadka ay haysashada taleefanka gacantu ku yeelan karto awoodda maskaxeed ee qofka, sida fahamkiisa iyo xusuustiisaa, ayaa dadkii tijaabadeeda lagu sameeyey oo ahaa 6 boqol oo arday jaamacadeed ah oo la qiyaasay kala duwanaanshiyaha ku dhacaya fahamkooda iyo xusuustooda marka uu taleefanka gacantu hortooda yaallo, haba demsanaado ama codku ha ka xidhnaado e, iyo marka uu ka durugsan yahay.

Waxaana ka soo baxday natiijo ah in mar kasta oo taleefanaaga casriga ahi gacanta ka fog yahay, ay kor u kacayso awoodda faham iyo xusuusasho ee maskaxda qofka. Oo ay sababtuna tahay in Haddii qofka uu taleefankiisa gacantu horyaallo, ay ku adag tahay in uu si buuxda maskaxdiisa uga saaro taleefanka, tusaale ahaan waxa uu xasuusanayaa qof uu taleefan ka sugayey, waxa uu damac ka gelayaa in uu akhriyo farriin ku soo dhacday, waxa uu xasuusanayaa qof farriin ka sugayey, waxa uu xiisaynayaa in uu baraha bulshada ee internet ka eego, waxa uu xasuusanayaa arrin uu maagganaa in uu ‘Google’ ka baadho, ama waxa uu is moodsiinayaa in dawanka taleefankiisu yeedhayo, markaasuu eegayaa, ama muddo dheer oo uu aanu taleefanku sanqadhi darteed ayaa ay maskaxdu doonaysaa in ay hubiso in uu shidan yahay ama si fiican u shaqaynayo. Waa haddii aanu xiisaynba in uu ku ciyaaro ama iska wadwado taleefanka. Sidaas daraaddeed waxa ay maskaxdu ka mashquulaysa shaqadii kale ee xusuusta iyo dhadhansashada hadalku ka mid tahay ee fahamka fududayn lahayd. Qofka oo aan is ogeyn ayaa ay maskaxdiisu luminaysaa baraarugsanaantii ay waxyaabaha kale ee ay danayn lahayd.

Xusuusta

Maadaama oo helitaanka internet ku aad u sii fududaanayo, taleefannada gacanta ee casriga ah badankoodana ay dadka sitaa awood u leeyihiin in ay helaan internet, iyo maadaama oo taleefannada casriga ahi ay leeyihiin qaybo xusuusqorka iyo kaydinta macluumaadka la gashan karo, waxa ay taasi abuurtay in maskaxda ay gasho is dhigasho dhinaca shaqada ah, oo xogtii ay isku hawli lahayd xafidisteeda ku hallayso taleefanka uu qofku sito iyo internet ka uu sida sahalka ah uga baadhi karo. Taas oo iyaduna mar kale fadhiid ka dhigtay awooddii iyo firfircoonidii dhaqsaha ahayd ee ay maskaxda aadamuhu ku xasuusanaysay waxyaabaha xusuusta uga baahan.

Cilmibaadhis dhowr sano ka hor la sameeyey oo lagu faafiyey Joornaalka caanka ah ee Science ayaa daahfurtay in qofku mar haddii uu niyadda ku hayo in xogta uu raadinayo uu si fudud uga heli karo Google ka ama qaybaha kaydka ee taleefankiisa gacanta, ay ku adkaanayso in uu si dhayal ah arrintaas u xasuusto, isaga oo aan dib ugu noqon taleefanka.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in maskaxdu shayga ay xasuusanayso ay inta badan xusuustiisa ku ladho walax ama qodob kale oo calaamad ugu ah, markaa haddii xogta aad raadinaysaa ay ku jirto ‘Google’ ama si guud taleefanka gacanta oo aad hore uga isticmaashay, marka aad damacdo in aad xogtii xasuusato, waxa keliya ee ay maskaxdu dhaqso u xasuusanaysaa waa halkii xogtu ku jirtay, oo dabcan ‘Google’ama taleefanka gacanta waxa aanay markaba u baahanaysaa in ay Google baadho.

Waxa kale oo tusaale dhow ah in lambarka taleefan ee ku kaydsan taleefanka gacanta ay maskaxda ku adag tahay in ay xasuusato haddii aanay baadhin, halka haddii lambarku ku qornaan lahaa buugyare yaalla meel durugsan, laga yaabo in ay isku kallifto xasuusashadiisa, inta badanna hesho.

Haddaba si aanu taleefanaaga gacantu xusuustaada u dilin, ku dadaal in waxa aad u baahan tahay xusuusashadiisa aad ku ridin taleefanka ee aad ku qorto buug kaa durugsan, si maskaxdu ay u xafiddo iyada oo ka cabsi qabta in ay dhow xasuusan kari weydo, taasina fududayso in aanay illaawin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here