Talaabo Dhaawac Siyaasadeed Abuuri Karta Oo Xukuumadu Kaga Jawaabtay Hambalyo Itoobiya U Soo Dirtay Somaliland Warbixin, weriye Maxamuud Walaaleeye

0
830

Hargeysa (SomalilandSpan) Xukuumada JSL ayaa la sheegayaa inay kaga jawaabtay talaabo dhaawac siyaasadeed weyn abuuri karta dhambaal hambalyo ku saabsan xuska 18 May oo maalin dhoweyd Jamhuuriyada Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u soo direen shacabka iyo xukuumada JSL, hadaan degdeg loo sixina cawaaqib xun ku keeni karta kalsoonidii labada wadan iyo shacab ee Itoobiya & Somaliland.

Warar laga soo xigtay ilo ku dhow xafiiska Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa, ayaa u xaqiijiyey Shabakada SomalilandSpan, in Madaxtooyada JSL, aanay ku martiqaadin munaasibadii xuska 18 May ee lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada, safiirka Itoobiya u fadhiya JSL, Brig Gen Amb Berhe Tesfay, sababo aan la xaqiijin awgeed.

Talaabadan xukuumada JSL ugu guuldaraysatay inay ku martiqaado safiirka Itoobiya munaasibadii ka dhacday Qasriga Madaxtooyada habeenimadii 18 May, ayaa ku soo beegmaysa xilli maalin horteed Safiirka Itoobiya Brig Gen, Amb Berhe Tesfay uu soo gaadhsiiyey shacabka iyo xukuumada Somaliland dhambaal hambalyo xukuumadiisu soo dirtay, kulana wadaagayso farxada maalinta Qaranimada JSL ee 18 May, isla markaana noqdeen wadanka keliya ee soo hambalyeeyey, halka wadamada Jabuuti, Kenya iyo Turkiga oo xafiisyo ku leh caasimada Hargeysa, kala masuugeen inay farxada la wadaagaan shacabka JSL ee martida ay u yihiin.

Xogaha shabakada SomalilandSpan helay ayaa la raaciyey, in Safiirka Itoobiya Mr. Berhe Tesfay qiray inaanu war ka hayn xaflada, isla markaana aanu ka helin martiqaad rasmi ah xukuumada Somaliland, sidii sannadkan waxii ka horeeyey loogu soo martiqaadi jiray.

Martiqaad la’aanta wadanka Itoobiya, ee xukuumada JSL xuskii 18 May ee Qasriga Madaxtooyada, oo ajaanib kaleba joogeen sida muuqaaladii xaflada bulshadu u daawatay, ayaa si weyn bulshada Somaliland isu-weydiinaysa sababta keentay, isla markaana, u dhegtaagayaan in xukuumada Somaliland jawaab raaligelin rasmi ah wakhtiga ugu horeeya ka bixiyaan, si aanay cawaaqibka ka dhasha meesha uga saarin danahii iyo xidhiidhkii u dhexeeyey labada shacab iyo labada wadan ee JSL iyo JDF Itoobiya.

Dhinaca kale,   Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalyeeyey shacabka & xukuumada JSL, maalinta Qaranimadda ee 18 May, halka wadammada Jabuuti, Kenya & Turkiga oo xafiisyo ku leh dalku kala masuugeen inay farxada la wadaagaan shacabka.

“Annigoo ku kalsoon in xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labadeena wadan, aanu keliya sii jirayn, balse, si balaadhan u sii xoogaysan doono, waxaan jecelahay inaan fursadan ku muujinayaa sida Xukuumadaydu ugu hambalyeynayso shacabka iyo xukuumada Somaliland munaasibadan aad u dabaaldegaysaan 26 guurada ka soo wareegtay maalinta Qaranimada 18 May.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal rasmi oo safaarada ee JDF Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa ka soo baxay, kuna saxeexnaa Brig Gen Amb Berhe Tesfay, oo lagu socodsiiyey Wasaarada Arrimaha Dibedda JSL.