Taiwan: Qorshe La Doonayo In Dabbaal Degga Ciidda Hooyada, Uu Qof Kastaa Hooyadii Cagaha U Maydho

0
616

Picture2Taipei (Geeska)- Mid ka mid ah qawmiyadaha dega dalka Taiwan ayaa khamiistii toddobaadkii ina dhaafay ku dhawaaqday in ay go'aan ku gaadheen in hadda wixii ka dambeeya ay sameeyaan qaab cusub oo ay ugu dabbaal degaan maalinta dunida looga yaqaanna iidda hooyada. Kooxdani waxa ay go'aansadeen in hadda kadib maalintan hooyada loo gaar yeelay ay ku xusaan qaabka ah in loo yeedho kun qof oo carruur u badan kadibna amar lagu siiyo in ay hooyooyinkood oo qudhooda madasha lagu casuumay ay cagaha u maydhaan.

Kooxdan is-abaabushay oo magacooda la yidhaahdo, Isbahaysiga ixtiraamka waalidka iyo xushmaynta macallinka. Goob dalxiis oo loo yaqaanno Sports Eland oo ah goobta lagu qaban doono xafladda ciidda hooyada, waxa isugu iman doono Kun hooyo oo la fadhiisin doono kuraas saf dheer loo dhigay, mid kastana waxa horteeda la dhigi doonaa weel ay ku jiraan biyo diirran, kadibna carruurtooda ayaa u maydhi doona cagaha.

Toshoro oo maamule u ah isbahaysiga diyaarinaya xafladdan ayaa warbaahinta ku yidhi, "Waa dhacdo aanu doonayno in carruurta lagu baro sida ay u waajib tahay in ay muujistaan naxariista iyo kalgacalka ay u hayaan hooyooyinkood. Waxa aanu cilmi ahaan ogaanay in xidhiidhka jidhku si gaar ah saamayn ugu leeyahay wanaajinta xidhiidhka u dhexeeya ubadka iyo waalidkood, waxa aanay tani baraysaa in ay ubadku ku tababartaan daryeelka iyo xannaanaynta hooyooyinkood sida ay iyagu u yaraantii u daryeeli jireen"