Tahriibayaal Tiro Badan Oo Ku Geeriyooday Biyaha Liibiya

0
584

Maydadka 87 tahriibayaal ayaa laga helay xeebaha dalka Liibya. Waa masiibadii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka Zawiya.

Waxaa loo malaynayaa inay doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaadhaan Talyaaniga.

Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida hay'adaha ay sheegayaan.

Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka lagasoo uruuriyay. Waxa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadku waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen.Qaar ka mid ah dadka dhintay waa caruur, sida la sheegay.

Afhayeen u hadlay hay'adda Bisha Cas ee Liibiya wuxuu sheegay in maydad badan ay ka soo uruuriyeen xeebta. Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka deegaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.

hay'adda Bisha Cas ayaa baahisay sawiro muujinaya tobannaan maydad oo baco lagu xiray oo yaalla xeebta.

Hay'adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee IOM waxay sheegtay in doonta Axaddii ay ka baxday Liibiya, "waxaana saarnaa 110 qof".

Ugu yaraan 5,0