Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Reer Somaliland Oo Badda Talyaaniga Iyo Liibiya Dhexdooda Ku Go’doomay

0
509

Picture3Hargeysa(Geeska)-Tahriibayaal isugu jira reer Somaliland iyo reer Somaliya ayaa ku go’doomay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya, ka dib markii ay ka ambobaxeen toddobaadkan xeebaha wadanka Liibiya. Tahriibayaashan oo ay tiradoodu gaadhaysay 70 ruux, ayaa waxa markii dambe isugu soo hadhay 19 ruux sidii ay kolba koox dad ahi ugu geeriyoonaysay gaajo iyo dhibaatooyin kale, waxaanay ciladi ka heshay doontii shiraaca ahayd ee ay kaxaysteen. Mid ka mid ah dadka doontaas saarnaa oo isticmaalayay telefoonka satalaytka ayaa idaacadaha muqdisho qaarkood u sheegay in intooada soo hadhay ay ku suganyihiin xaalad adag, waxaanay dalbadeen in xaaladooda lala socodsiiyo ciidamada ilaalada xeebaha Kenya si ay u badbaadiyaan inta soo hadhay.

Dadkan tahriibay ee doontan saarnaa ayaa waxa ku jiray dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Lama saadaalin karo in kuwa geeriyooday ay ku jiraan kuwo reer Somalialnd ahi iyo inay kuwa badbaaday ku jiraan.