Tabobaraha Tottenham Oo Ka Hadlay Rabitaanka Kooxda Barcelona  

Published on Apr 01 2017 // Ciyaaro

Tabobaraha naadiga Tottenham – Mauricio Pochettino ayaa carabka ku adkeeyey inay tahay “wax aan suurto gal ahayn’ ama aan dhici Karin waligeed inuu noqdo tabobaraha kooxda Barcelona. 45 jirkan, hore u soo laylyey naadiga Espanyol, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Barca, Josep Maria Bartomeu todobaadkii hore dhexdiisii, iyadoo wararka la isla dhex marayayna kor u sii qaaday inuu noqonayo macalinka shaqada kala wareegi doona Luis Enrique. Si kastaba ha ahaatee, Idaacada BBC da ayaa xaqiijisay inaanu khabiirkani ku jirin liiska musharaxiinta jagada Barcelona.

“Anigu waxaan ahay taageere kooxda Espanyol ah – Waxay ila tahay in hadal intaas igaga filan tahay,”ayuu ninkan reer Argentina yidhi, isagoo hoosta ka calaamadiyey ficiltanka aadka ah ee u dhexeeya kooxda ay magaalada ka wada dhisan yihiin ee Barcelona. Shir jaraa’id oo uu Khamiistii qabtay, Pochettino wuxuu ku yidhi: “Waa sida haddii maalin uun uu [Gudoomiyaha naadiga Spurs] Daniel Levy shaqada iga eryo aniga, sanado dhawr ah kadib,  aanay marna suurto galka u ahayn inaan macalin u noqdo kooxda  Arsenal.”

Wararka qaar ayaa sheegay in Spurs ka war haysto in tabobarahan Argentina u dhashay kulan la yeeshay madaxweynaha Barcelona. Barca caawiyeheeda tabobare ee Juan Carlos Unzue ayaa ah,shaqsiga ugu horeeya ee la filayo inuu jagada maamulaha kooxda qaban doono marka uu ka dhaqaajiyo Enrique, iyadoo Tabobaraha kooxda Athletic Bilbao ee Ernesto Valverde uu sidoo kale ku jiro tartanka booskan.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!