Tababarihii Xulka Hawd Oo Xilkii Tababarnimo Iska Casilay

Published on Jun 21 2016 // Warar

1Tababarihii Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed (Mustafe Cirid) ayaa xilkii Tababarnimo ee Gobolka iska casilay  waxaanu sheegay  in dano isaga u gaar ah uu isku casilay ee aanu wax kale jirin, isagoo arintan ka hadlayana wuxuu yidhi “Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Hawd waxaan tababare u ahaa muddo sannad iyo badh ah, markaas hadda aniga ayaa goostay oo go’aan ku gaadhay in aan iska casilo xilka Tababarnimo ee Gobolka, sabab kale oo aan isku casilayaana ma jirto, waana ka mahad sheegayanayaa Ciyaaryahanada Xulka iyo waliba taageerayasha, guul ayaana u rajaynayaa

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!