Tababaraha Xulka Gobolka Maroodi-jeex oo walaac ka muujiyey xaalada haysta Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium

0
941

Picture3Tababaraha Kubada Cagta ee Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhaba),  ayaa walaac ka muujiyey Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Hargeysa, oo ah Garoonka ugu weyn  Somaliland, waxaanu sheegay inay ayaan daro tahay in Garoonkii ugu weynaa ee Somaliland uu bilaa Doog noqdo, halka Garoomo kale oo kubada cagta ah oo ku yaala Magaalada Hargeysa oo gaar loo leeyahay ay ka leeyihiin Doog.

Tababare Diridhaba ayaa sidoo kale sheegay in Tartan la qabtaa uu ku horeeyo in Garoonka la hagaajiyo, waxaanu yidhi isaga oo u waramaya Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika “Waxa ayaan daro ah in Garoonkii ugu weynaa ee Somaliland, ee dadka oo dhan ka dhexeeyey uu bilaa Doog ama bilaa Roog noqdo, halka Garooomo kale oo gaar loo leeyahay, oo Maanta Hargeysa ku yaala Doog ama Roog ka leeyihiin, waxaana wax walba ka horeeya in la hagaajiyo oo aan la eegan Garoonka Hargeysa oo dayac aad u fara badani ka muuqdo, waxa kale oo aan leeyahay in Tartano la qabto waxa ka horeeya in marka hore la hagaajiyo, la dayac tiro, isla markaana Roog ama Doog lagu beero Garoonka ugu weyn Somaliland ee Hargeysa Stadium, loomana waayin in lagu beero ama la dhigo, maxa yeelay Garoomadii gaarka loo lahaa ayaaba la dhigay, oo Maanta Quruxda ka yaabaysa”.