Tababar Ku Saabsan Sida Dabka Looga Dhaliyo Qoraxda Iyo Dabaysha Oo Loo Qabtay Shirkadaha Laydhka

0
1042

Picture2Hargeysa(Geeska)-Tababar ku saabsan sida korantada looga dhalinkaro Qoraxda iyo Dabaysha ayaa loo qabtay in badan oo ka mid ah shirkadaha dabka ee dalka.

Tabobarkan waxa maalgalinaysay haayada USAID sida oo kale waxa fulinysay haayada DAI, waxaana ka soo qaybgalay in badan oo ka mid ah shirkadaha korantada ee dalka iyo sida oo kale wasaarada macdanta iyo tamarta. waxa tabobarkaas bixinaayay Lawrence H Mott oo ah  khabiir ku xeel dheer cilmiga tamarta kaas oo siin doon dadkii ka soo qaybgalay aqoon dheeraad ah oo la xidhiidha tamar dhalinta.

Agaasimaha guud ee wasaarada tamarta Siciid Axmed Jibriil ayaa isagu si rasmi ah u furay tabobarkaas, waxaanu ka codsaday matalayaasha shirkadaha korantada iyo ka soo qaybgalayaasha oo dhami inay xarumahoodii kula noqdaan aqoonta u korodha, sida oo kale waxa uu ganacsatada iyo shirkadaha korantadaba u soo jeediyay inay dalka keenaan qalabka tamarta lagaga dhalin karo Qoraxda iyo Dabaysha si looga baxo korantada laga dhalinyo shidaalka qaaliga ah, waxaan isaga oo arimahaas ka hadlaayay agaasimuhu uu yidhi “Runtii wasaarad ahaan farxad ayay noo tahay mar hadii waxii mudnaanta noo lahaa ee ay ka mid yihiin tamarta oo laga dhaliyo Qoraxda iyo Dabaysha in laga faa’idaysto, taas oo halkan lagu qabanaayo ayna naga caawisay haayada USIAD, waxaan ku dhiiri galin lahaa ka soo qaybgalayaasha oo u badan dadkii shaqadan gacanta ku hayay ama ay qusaynaysay in korantada oo inta badan aynu ka dhalino waxyaabo qaali ah  oo aan u wanaagsanayan deegaankeena,idinka oo og qiimaha uu maraayo 1KW ee dab ah,waxaanu aad u dhiiri galinaynaa wasaarad ahaan In shirkadaha dabka dhaliya ama dadka reer Somaliland ee ka faa’idaysan karaa ay soo iibsadaan qalabka lagaga dhaliyo tamarta Qoraxda iyo Dabaysha, aqoontana aad u sii gudbisaan shaqooyinkiinii iyo bulshada inta kale. Mar labaad waxaan u mahadnaqayaa haayada inaga caawisay kulnkan.waad mahadsantihiin siminaarkuna waa uu inoo furan yahay.”