Taariikhdiisa Aanu Jeclayn Mulkiilaha Ahna Aasaasaha Barta Bulshadu Ku Kulanto Ee Facebook

0
1662

Washington (Geeska)- Inkasta oo uu dadaal joogto ah ugu jiro sidii uu dunida isugu tusi sawir qurux badan iyo in loo aqoonsado in uu yahay shakhsi qiimo ku leh hal abuur uu waxkaga beddelay aragtidii ay dunidu ka haystay xidhiidhada bulshada, kaddib markii uu curiyey barta Facebook, haddana weli aasaasaha Facebook, Mark Zuckerberg waxa ay dhibi ka haysataa sidii uu dadka uga dhaadhicin lahaa in uu yahay ninka uu sheeganayo.

Warbixin dhowaan lagu daabacay wargeyska New York Times ayaa ka warrantay filimka sannadkii 2010 ka la sameeyey ee la magac baxay Baraha Bulshada (Social Media) oo si aad ah u iftiiminaya taariikhdii Mark Zuckerberg iyo jidkii uu u soo maray aasaaska shirkaddiisa Facebook oo maanta qiimaheeda suuqu marayo boqollaal bilyan oo doolar.

Filimku waxa uu ka warramayaa shakhsiyad goonijoog ah, oo aad u didsan. Shakhsiyaddaas laga metelay Mark Zuckerberg ayaa uu filimku ka warramayaa in uu go’aansaday in uu hormuud ka noqdo iyo in uu la yimaaddo habab ay shirkadda Facebook ku sarrayn karto.

Hal-abuurrada filimkan soo saaray waxa ay aad isugu dayeen in ay ina xasuusiyaan in wiilkan timaha cawlan aanay tallaabooyinkiisii uu halkan ka hor soo qaaday oo dhami aanay ahayn kuwo ku dhisan mabaadii’da wanaagsan iyo hadallada aftahamada ah ee uu ku celceliyo imika.

Xidhiidhka ka dhexeeya Mark Zuckerberg iyo baraha bulshadu ku kulantaa waxa uu  ka soo bilowday Face Mash, oo ahaa bar ardayda jaamacadda Harvard fursad u siinaysay in ay ku wadaagaan sheekooyin ay ku xamanayaan hablaha wax la barta, oo ay ka mid tahay in ay qiimeeyaan muuqaalkooda iyo xarragadooda. Maamulka Jaamacadda Harvard ayaa markii dambe Mark Zuckerberg ku qasabtay in uu xidho bartan, kaddib markii ay u aqoonsatay in ay meel ka dhac ku tahay siraha shakhsiga ah ee qofka. Go’aanka jaamacaddu bartan ku xidhay waxaa sii xoojiyey markii ay qaar ardayda ka mid ahi sawirro dad gaar ahi lahaayeen oo ay sifo qaldan ku soo heleen soo dhigeen bartan.

Dadka uu galaaftay Mark Zuckerberg

Filimka ‘Social Media’ waxa uu soo bandhigayaa laba walaal oo mataano ahaa oo uu sheegay in dhimashadoodu ay ku timid sababta hiigsiga Mark Zuckerberg.

Inkasta oo aan war ahaan loo maqal in ay hore u dhacday dhimashadani, haddana waxaa xusid mudan in sida uu wargeysku sheegay uu filimkani ku fadhiyo qiso run ah. In Jidkii guushiisa uu u soo maray uu sababay dhimashada laba qof, waxa kale oo ay warbixintu ku dartay in barta Facebook ee uu abuuray ay door ugu yaraan fududayn ah ku lahayd faragelintii uu Ruushku ku sameeyey doorashada Maraykanka, iyo dhiirrigelitna xasuuqii lagula kacay muslimiinta dalka Myanmar. Eedahaas ayaa hore loogu jeediyey aasaasaha Facebook, laakiin markii maxkamad looga yeedhay waxa uu ballanqaaday in uu qaadayo talaabooyin uu kaga hortagayo in hawlo noocaas ahi ay dib u dhacaan. Si kastaba ha ahaato ee waxaa lagu eedaynayaa in aanu tallaabooyinkaas uu sheegay illaa hadda oo waqti laga joogo waxba ka qaadin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here