Taariikhda Saanwiijka, Sida Uu Ku Yimi Magacani Iyo Qisada Maalinta Adduunka Ee Loo Asteeyey Cuntadan

30
4233

Hargeysa (Geeska)- Saanwiijku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka fudud kuwa ugu caansan dunida oo dhan, waxa aana si isku mid ah u isticmaala dadka dabaqadaha kala duwan ee bulshooyinka, iyada oo weliba ay ka siman yihiin isticmaalka magaca Saanwiij. Waxa se laga yaabaa in aanay cidiba is weydiin halka uu ka soo jeedo magacan ‘Saanwiij’ ee af kasta qaatay, iyo taariikhda cuntadani ku bilaabatay midna.

Saanwiij waxa uu asal ahaan ka yimi Earl of Sandwich 4, oo ah magac naanays u ahaa nin Ingiriisa  ah oo magaciisa saxda ahi ahaa John Montagu. John oo ahaa siyaasi ka soo jeeda qoys talin jiray, waxa uu noolaa intii u dhexeysay bishii Noofambar 1718 illaa 1792. Ninkani waxa uu caan ku ahaa balwadda khamaarka iyo ciyaarta turubka, illaa heer la sheego in marka uu subaxda u fadhiisto khamaarka aanu kursigaa illaa habeennimada, marka laga reebo xilliyada uu cuntada doonto.

Qisada koowaad

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu aad cunto ugu baahday Eral Sandwich oo ku gudo jira ciyaartii khamaarka oo weliba meel aad u xasaasiya u maraysaa. Si aanu kursigiisa uga kicin oo u sii wato ciyaarta ayaa uu adeegihiisii ka dalbaday in uu waslad hilib uu jilciyey oo saafan ah ugu soo dhex rudo laba gobal oo khubus ah. waxa uu doonayey in uu kursiga ku dul cuno isaga oo dhinaca kalana ka sii wata ciyaartiisa. Arrintii waxa ay keentay in dhammaan dadkii markaas miiska fadhiyey ee khamaarka waday ay codsadaan in sidaas oo kale looga soo dhigo cuntada si ay u sii wataan ciyaarta khamaarka. ‘Mid sidaa Sanwich oo kale ah na sii’ ayaa uu noqday qof kasta goobta fadhiyey dalabkiisu.

Waxa ay noqotay dabeecad faaftay, oo qof kasta oo khamaarka ciyaarayaa haddii xilliga cuntada la gaadho isaga oo khamaarkii wada, uu dalbado uun cuntadii Sanwiij, illaa ay noqotay cunto magacan leh oo aad looga yaqaanno goobaha turubka iyo khamaarka.

Qisada labaad

Sida uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxaa jirta qiso kale oo iyadana la sheego in ay sabab u ahayd magacan. Qisadani ma diidana in Saanwiij uu ahaa magac ninkaas aynu kor ku soo xusnay, waxa se ay sheegaysaa sabab ka duwan taas hore.

Sandwich waxa uu ahaa nin aad shaqadiisa ugu mashquul badnaa, inta badan waxaa ku adkaan jirtay in uu helo waqti ku filan in uu xafiiska ka baxo oo uu cunto doonto. sidaa awgeed shaqaalihiisa ayaa uu ka codsan jiray in ay u diyaariyaan waslado hilib saafan ah kadibna u dhex dhigaan khubuska, si uu shaqada ugu sii qaato oo marka uu u baahdo uu cuno isaga oo shaqadiisa iska sii wata, maadaama oo aanay cuntadani sababayn in faruhu ka uskagoobaan oo uu shaqada joojiyo.

Ninkan laftiisa magaciisa xaggee uu ka yimid

Magaca Sandwich ee uu lahaa ninkan loogu magac daray cuntada Sanwiijku, waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa magaalo lagu magacaabo Sandwich oo ka tirsan degmada kent ee dalka Ingiriiska. Qoyska uu ka soo jeeday John Montagu oo ahaa dabaqadda talisa ayaa ahaa deegaanka degmadan, sidaa awgeed ayaanu magacani u ahaa naanays uu jiilba jiil ka dhaxlay.

Waxaa jirta taariikh kale oo iyadu sheegaysa in cuntadan lafteedu aanay ahayn mid uu markaas ikhtiraacay John Montagu, balse ay ahayd cunto hore u jirtay oo bulshooyin kala duwani yaqaanneen, balse uu isagu ahaa qofka dadkan markan ugu horreeyey magacuna sidan ku raacay.

Soo shaac bixiddii cuntada

Qarnigii 18 Saanwiij waxa uu ahaan jiray cunto gaar ah oo fudud oo ay caan ku ahaayeen dadka haldoorka ama labeenta bulshada lagu tiriyo. Waxa aanay ka mdi ahayd cuntooyinka dadka caweeyaa ay saacadaha dambe ee habeenka cunaan. Laakiin qarnigii 19 markii uu bilowday kacaankii warshadaha ee Ingiriiska iyo Isbayn, soona baxeen dad shaqaynaya oo u baahan in waqtigooda ay shaqo uga faa’daystaan iskana ilaaliyaan wax kasta oo shaqada ka mashquulinaya oo xitaa cuntadu ku jirto, waxaa caan noqday cunista Saanwiijka, marba marka ka dambaysa ku sii faafayey dalalkii shaqada badani ka bilaabatay, markii dambana noqday cunto fudud isla markaana gacanta lagu qaadan karo oo bulshada oo ay cunto bulshada oo dhami dabaqad kasta oo ay tahay.

Maalinta Caalamiga ah ee Saanwiijka

Maadaama oo uu Saanwiijku noqday cunto caalamiya oo dunida oo dhan si aad ah looga isticmaalo isaga oo isla magacan uun leh waxa jirta maalin u gaar ah oo dunidu xusto, waa maalinta Saanwiijka adduunka oo ah 3da Noofambar sannad kasta. Hudheellada iyo maqaaxiyaha caalamiga ah ee Saanwiijka sameeya ayaa maalintan u qabta xusas gaar ah oo ay bixiyaan Saanwiij bilaa lacag ah, isla markaana soo bandhigaan noocyada kala duwan ee Saanwiijka ay sameeyaan iyo waxa ay sannadkaas ku soo kordhiyeen, sida oo kale waxaa looga faa’idaystaa maalin sadaqo oo dadku ay Saanwiij ugu deeqaan dadka baahan.

Waa maalin aan sida maalmaha kale ee adduunka laga xuso loo aqoonsanayni n ay caalami tahay, lana sheego in ay marka hore ku bilaabatay kaftan iyo maadays, laakiin marba mark aka dambaysa waa ay sii shaac baxaysaa waxa aanay gaadhaysaa bulshooyin cusub oo ku soo biira dadka xusaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here