Taariikhda Islaamka Oo Toddobaad Keliya Lagu Soo Koobay Turjume: Mubaarak Xasan Ciise Jaamac

0
2878

Hadii aynu rabno inaynu kusoo koobno taariikhdii Islamka hal wiig si aynu u aragno sawirkii guud ee TARIIKHDA ISLAMKA

Bal sawir noocee ayaynu heli doonaa.

Maalin walba oo ka mid ah wiigan aynu kusoo koobeyno taariikhdii islamku waxay u taagnaan doonta 200 oo sanno waxaynuna kasoo bilaabi doonaa soo bixitaankii Nebiga s.c.w. 7 cisho oo maalintiiba 200 sanno tahay total 1400 oo sanno ayey noqon (7×200) taasoo aynu keeneyno Insha-ALLAH ilaa hadda xaalada Muslimiinta.

Jimce
Kasoo qaad wakhtigii uu nebigu soo baxay salaadii subax ee jimcaha. Soo bixitaankii cadceeda bacda salaadii subax waxay noqonaysaa Hijradii Nebiga. Hal saac ka dib soo bixitaankii cadceeda waxaa dhintay rasuulkii s.c.w ilaa iyo 9kii subaxnimo muslimiintu waxay dhameeyeen furashadii SHAAM CIRAAQ IRAN(FAARIZ) MISIR IYO WAQOOYIGA AFRICA. Xukunkii khulafaa'u Raashidiinku wuxuu dhamaaday ka hor eedaankii duhur ee isla malintan Jimcaha. Salaadii Jimce intii lagu jirey shiicada ayaa soo ifbaxday. Salaadii casar waxaa bilaabmaya furashadii Endulus. Ka dib salaadi maqrib Militrygii Umawiyiinta ayaa gaadhaya Faransiiska. Waxay jirtey dawladii Umawiyiintu intii u dhaxaysay salaadii duhur ilaa slaaadii cishai. 10kii habenimo ee jimcaha Baqdaad waxay noqotay caasimadii dawladii Cabaasiyiinta lakin se Endulus oo ahayd qayb ka mid ah Umawiyiintu way sii jirtay taasoo aan ka mid noqon dawladii Cabaasiyiinta.

Sabtida
Awoodii igu badnayd ee dawladii cabaasiyiintu waxay sii waartay ilaa salaadii duhur ee malintan sabtida. Saladii duhur ka dib dawladii cabaasiyiintu waxay noqotay magac uun( bilaa awood). Salaadii casar ka hor Tunis waxa kaasoo ifbaxay markii ugu horeysey dawladii Faadimiyiinta. Dhamaadkii maalinta ilaa ka hor saqdii dhexe waxay qabsadeen dhaman Masar,Shaam,Xijaaz

Axad
Saacadii ugu horeysey ee maalintan axada islamka ayaa kasoo ifbaxaya galbeedka afrika. Salaadii subax ee malintan axada waxaa aayar aayar u bilaabmay weraradii islamkii reer Endulus lasoo weerarey taasoo ay soo weerareen reer Yurub. Subixii isla maalintan waxaa soo ifbaxay guulihii dawladii Sujuuqiyiinta. Salaadii duhur Alqudus waxay ku duntay gacantii Sujuuqiyiinta. Bacal Maqrib Salaaxudiin Al Ayuubi wuxuu bilaabay inuu jebiyo dawladii Faadimiyada kana sameeyo midow Shaam iyo Masar. Wuxuuna furanayaa Qudus saqdii dhexe ee habeenkan.

Isniin
Saacadihii ugu horeeyey ee malinta isniinta Mongooliyiintii ayaa soo ifbaxaya. Magaalooyinkiina waxay bilaabeen inay gacmahihii Mongooliyiinta ku dumaan xitaa Baqdaad. Soo bixitaankii cacdceeda khilaafadii Cabaasiyiintuna wxaay ku duntay gacantii Mongooliyiinta. Ka dib 2 sacadoodna dawladii Cusmaaniyiinta ayaa la aasaasay waxayna sii wadi doontaa inay faafto ilaa maalinta inta hadhay.

Salaasada
Diintii islamka ayaa gaadhaysa maalintan bariga fog ee Asia ilaa Filipin. Ka hor intaanay cadceedu soo bixin aaduunkuna wuxu kusoo toosayaa furashadii Qusdandiiniyaha. 4 saacadood ka dibna aduunku wuxuu maqlayaa dhicitaankii Dawladii Muslimiinta ee Endulus taasoo ay duntay magaalodii ugu dambeysey oo ahayd Garanada . Galabtiina ka dib isla maalintan Cusmaaniyiintii waxay ku faafeen Shaam,Masar, Xjaaz,Tunis ilaa jazaair(algeria) waxayna dawladii Cusmaaniyiintu noqonaysaa khilaafadii Islamka. Suleymaan Alqaanuuni wuxuna noqonayaa hogaamiyaha ugu weyn ee aduunka isla maalintan. Lakin dhamaadka maalintan waxaa Yurub ka bilaabmaya soo ifbaxa daciifnimadii Cusmaaniyiinta.

Arbaca
Aduunka ayaa kusoo toosaya warka heshiiska dawladii Cusmaaniyiinta iyo Yurub taaso dawladii Cusmaaniyiinta ay ku cadeynayo in la jebiyey. Hal minute ka dib ururadii Wahaabiyiinta ayaa ka bilaabmaya jaziirada carabta. Maalintan inta ka dhiman Dawladii Cusmaaniyiintuna waxay ku qaadatay inay difaacdo dhulkeeda. Dhamaadka arbacadana dhaqdhaqaaqii guumeysiigi faransiiska ayaa ka bilaabmaya Masar.

Khamiis
Saacadihii ugu horeeyey ee khamiista dawladii Cusmanyinta ayey u dhamaatay. Dhamaan Wadamadii Muslimiintuna waxay u galeen gacmihii gumeeysiga. Dawladii Cusmaaniyiintu si official ah waxay u dumeysaa 10.30kii subaxnimo ee malintan khamiista intaas ka dib ururadii muslimiinta ayaa bilaabaya inay ku faafaan sida jamaacatu tabliiq, Ikhwaan muslimiin oo ku faafa Masar iyo ajamaaca Islaamiya oo ku faafa hindiya. Intas ka dib markii ugu horeysey Islamka ayaa bilaabaya inuu ku faafo Yurub iyo Amerika sababtoo ah qaxoontigii Muslimiinta ee ka tagay Asia,Afrika iyo India.
salaadii casar ka hor ee isla malintan Militrygii wadamada Carabta ayaa la aasaasaya.Saladii casarna Isarel ayaa la aasaasayaa.ka hor maqrib kacdoonkii Iran ayaa bilaabmaya. Salaadii Cishaai ee isla malintan Baqdaad ayaa ku dumeysa gacantii Mareykanka. 10.30kii habeenimo Kacdoonkii Carabta ayaa bilaabmaya.

Wiigan taariikhda Islamka waxaynu kasoo bilownay jimce waxaanuu ku dhamaanayaa wiigu Khamiis. Ilaa hada (2017) waxaynu ku jirnaa malintii khamiista.

Waxaa qorey Axmed Kaamil.

Waxaa soo turjumey Mubaarik Xasan Ciise Jaamac