Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE Oo Shalay Buux Dhaafiyay Caasimada Hargeysa

0
650

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Talladda haya ee Kulmiye ayaa shalay soo gebagebeeyey ololahiisii Doorashada iyadoo lagu jiro wareegii u dambeeyey ee ololaha xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee ku tartamaya doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland, waxana taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay manta isu soo baxyo ka dhigeen guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Magaalada Caasimadda ah ee Hargaysa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa soo buux dhaafiyey fagaaraha beerta xorriyadda halkaas oo ay khudbado kaga dhegaysteen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye Md Maxamaed Kaahin Axmed, wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha, Maaliyadda, kalluumaysiga iyo Waxbarashada.

Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin oo la hadlayey dadweynahii isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye diyaar u noqday ka qaybgalka doorashada iyo aqbalaadda natiijadeedadaba, isla markaana ururada iyo xisbiyada eedda la daba taagan kulmiye ay ogaadaan in waxa lagu tartamayaa ay yihiin Codka shacabka isla markaana loo baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan.

Md. Maxamed kaahin waxa uu ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in sida ay manta u muujiyeen cududooda ay maalinta codbixintana isu muujiyaan una codeeyaan in isbedelkii dhacay hore loo sii wado, halka sidoo kalena uu Gud/xigeenka xisbigu ku adkaystay in xisbigu guulaysan doono.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna la hadashay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee iskugu soo baxay xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in waxqabadka xisbiga KULMIYE uu si fiican u muuqdo,waxaanay taageerayaasha u soo jeedisay inay codka siiyaan musharaxiinta xisbiga si ay iyaguna dhinacooda wax ugu qabtaan shacabka caasimada.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in madaxda KULMIYE wax weyn dalka ka qabteen mudadii ay talada hayeen, waxaanu ku baaqay in codka la siiyo xisbiga KULMIYE iyo murashixiintiisa golaha deegaanka.

Munaasabadaasi waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirrada wasaaradaha Kalluumaysiga iyo waxbarashada oo ay wehelinayeen shan iyo labaatanka musharax ee xisbiga Kulmiye ugu taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimadda oo dhamaadka bishan qabsoomi doonta.