“Taageerada Dhaqaale Ee Shacabka 26 June Ku Garab Istaageen Waddani Waa Farriin Cad”Muniir Axmed Cigaal

0
546

Hargeysa (Geeska)-Kaaliyaha warbaahinta ee murrashaxa madaxwaynaha ee xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaal ayaa khudbad mahadnaq iyo guubaabo isku jirta ka jeediyay munaasibad uu xisbiga WADDANI xadhiga ka jaray xafiiska uu ku yeelan doono degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa sheegay inay hal-xidhaale noqon doonto degmooyinka kale ee dalka in dadweynaha degmada Ibraahim Koodbuur ay joobkood ka bixiyay kiraynta iyo qalabaynta xafiiskan waxaanu yidhi "munaasibad aynu maanta halkan ku daah-furayno ee xafiiska degmada Ibraahim Koodbuur iyo kii aynu shalay u fooladaynaynay ee 26-ka juun iyo kuwa kale aynu sugaynaba waxa ay runtii makhraati ka yihiin koranaanta iyo bisaylka ilbaxnimada leh ee walaaltimada leh ee fahamka siyaasiga ah leh ee dadweynaha deegaankani runtii ku tilmaaman yihiin aad iyo aad ayaan marka hore ugu hambalyaynayaa, waxa iyaduna sidoo kale aan la ilaawi karin oo annaga qudhayada home work (shaqo guri) iyo xisaab celin noo diri doonta is abaabulka sharafta leh ee ay dadka deegaankani soo abaabuleen ee fahanka leh ee ay qalabaynta, kiraynta xafiisyada, goglashada, dhaqaalaha iyo ku biiritaanka dhaqaalaha ay xisbiga ku biirinayaan intaaba leh deegaanada ka soo go'day waa mid runtii si weyn xisbiga iyo dimuqraadiyada Somaliland wax weyn ka tari doonta, arrintaasi arrin ciyaar ah maaha, arrin xisbiga intiisa kale ku dayan doono weeyi oo gaar ahaan anniga halka aan deegaan ahaan ka soo jeedo iyo saaxiibkay Xuseen Axmed Caydiid iyo qolyahagii xagaa noo diri doonta xisaab kale in aanu sida deegaanadan la nimaadno dhaqaalahayagii iyo oodahaygiiba, markaa waad ku mahadsanid runtii hormood weyn ayaad runtii noo jeexdeen" ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.

Kaaliyaha warbaahinta ee murrashaxa madaxwaynaha ee xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaal ayaa waxa uu si faah-faahsan uga hadlay sababta ay Somaliland ugu guurntay nidaamka xisbiyada iyo dimuqraadiyada "xisbinimada waxa ay u furanay ee aynu xisbiga iyo dimuqraadiyada habkii beelaha uga guurnay in qofku obshan u helo oo doorasho u helo waxa uu kala dooranayaa nooca uu yihiin in uu gorgortan ka galo aayihiisu waxa ay noqonayaan, waxa se aad moodaa muddooyinkii danbe inay taasi innaga leexatay oo aad maqlayseen jeegaan iyo dhiggo isku duulaya iyo arrimo ku kooban qofka marka aad weydiisid dooda ah waar maxaa xisbiga layga hayaa amma muxuu bulshada u qabanayaa la odhanayo beeshaada ayaa ku khasban, anigu waxa aan ka mid ahaa dadkii lagu xidhay ee lahaa sanku ima daloolo walina waxa aan leeyahay sanku nama daloolo oo reer Ibraahim Koodbuur iyo goljano iyo kuuna waa ila mid siyaasadu khasbanaan ma gasho, siyaasadu waxa ay leedahay doorasho, dimuqraadiyadu waxa ay leedahay doorasho laakiin waxa dimuqraadiyadu meelna kama soo gasho waad ku khasban tahay, nidaamka askariga ah ee degtaytarka ah askariga marka aan leenahay maaha askarigeena, laakiin adduunyada nidaam dimuqraadiyadi ah iyo askari ah ayaa ka jira, nidaamka askariga rijiimka ah ee digtaytarka ah ayuunbaa khasabka leh, laakiin obshanka adduunyadu maanta u badan tahay ee ilaa carabtii duubabka waaweynayd soo jeedhay ee dimuqraadiyada ay jeexday waxa uu leeyahay kala doorasho, markaa waxa aan ku faraxsanahay in aad idinku mar kale hormood u noqotaan, waxa iyaduna aad hormood u noqonaysaan kala qoqobka bulshada ku jira sidii looga dhex qaadi lahaa, walaalayaan waxa aan halkan Bashiir Tukaale hadalkiisi kaga yara noqonayaa rajada aynu leenahay waa WADDANI, rajo la'aani inagumay soo oodmin Illahay tiisu innagu oodmi mayso oo marka hore ka quusan mayno mar walba waa in aynu rajada Alle niyada ku haysanaa wax ka wacan inaynu helayno" ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.