Suxufiga Iyo Saxaafaddu Waa Kuwama?

Published on Apr 17 2014 // Warar

Picture6Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu akhristayaashiisa halkan ugu soo gudbinayaa maqaal uu Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) saxaafadda iyo suxufiga ka qoray sannadkii 2008, qormadaas oo uu wakhtigaas abwaanku kula dabaal degayay wargeyska Geeska Afrika oo 2 jirsaday 17 April 2008.

 Wargeyska Geeska Afrika waxa la aasaasay 17 April 2006, waxaanu maanta noqday siddeed jir. Qormadaas uu Hadraawi wakhtigaas qoray oo ahayd mid xiiso badan, ayuu Wargeyska Geeska Afrika maanta dib ugu soo gudbinayaa akhristayaashiisa, maadaama oo ay tahay qormo miisaankeedu culus yahay. Waxaanu ku bilaabay sidan,   “Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah qoraalkan ugu gudbinayaa hurinta wargeyska Geeska Afrika, oo maanta (17 April 2008)  xusaya sannadguuraddii labaad ee ka soo wareegtay maalintii uu soo ifbaxay. Sidoo kale waxaan baaq guubaabin iyo dhiirigelin ah u jeedinayaa ciidanka warbaahinta ee dalka, anigoo xusuusinaya inay sii xoojiyaan dedaalkooda joogtada ah ee ay u banbaxeen. Dhanbaalkani wuxuu dhallinyarada Geeska Afrika kala qayb geliyaa xafladda munaasibadda-sheegan, kadib markii ay suurogal ii noqon wayday inaan ka muuqdo goobta iyo golaha lagu xusayo wargeyska, sababa kedis ah oo soo dhexgalay qorshahayga darteed.

Warbaahinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaani meel ay joogtaba waa iftiin iyo ileys horseed ka ah nolosha ummadi leedahay, majaraha ay ku socoto iyo abaarta ay ku jahaysan tahay. Saxaafadda wax ku oolka ahi waxay sawirtaa eel qarsoon iyo lama aragta kowda ah. Waa jeedal qac kulul oo ka qaylisiiya layliga biyaha kashiisa ku jira ka didaya. Arrin kasta oo saxaafaddu soo bandhigayso waxay u soo bandhigtaa hab iyo hanaan, hubsiino, miyir iyo miisaan ku dheehan yahay. Waxay soo bandhigtaa wakhtiga ku habboon. Waxay raacisaa talooyin iyo tusmooyin. Waxay ka digtaa waxyeellada ka iman karta iyo saamayntiisa.

Meel kasta iyo maamul jiraba, waxay u qaybsan tahay inay isha ku hayso. Waajibaadkaa halista ah saxaafaddu waxay ku heshaa sumcad, magac iyo maamuus. Waxa kordha miisaanka ay leedahay iyo taxgelinta la siinayo. Waxay hoysataa kalgacalka ummadda, taasina waxay dhalisaa inay hesho cudud miiggan oo dhan walba ah – ay ku tiirsato oo isku kalsoonideeda xoojiya. Waa qalab feejig oo lafaha hoose iyo xaajo dabool adagi saaran yahay qaawisa. Waa qalab cid walba ku tola inay dhabaha toosan raacdo oo layska ilaaliyo. Haddana, saxaafaddu mar walba ma aha sidaas. Inay sidaas noqotaa waxay ku xidhan tahay shuruudo badan iyo arrimo asaasi ah oo ay tahay inay jiraan.

Saxaafaddu marka si loo eego, waxay ka kooban tahay – weriyaha iyo warbaahinta. Warbaahintu, waa sawirka iyo sawraca weriyaha oo car iyo bey la’. Xaqiiqooyinka ka muuqda, waxa uu aaminsan yahay, marinkiisa, dareenkiisa iyo waxa uu difaaco iyo guud ahaan dadnimadiisa iyo duruufaha ku xeeran. Saxaafaddu, haddana ama sida kale, waa xaqiiqooyinka ka jira dowladda, dalka iyo dadka. Waa runta waayaha, waa…, waa…, waa …

Suxufigu waa kuma?

wuxuu leeyahay aragti, abaar sugan, mabda, aqoon guud, aqoon gaara oo uu ku jahaysan yahay.

cid walba wuxuu kaga adag yahay, ku dhac iyo badheedhe

Waxa uu hay’adda shaqada tooska ah ku leh la ilaaliyaa mabaadiida iyo shuruucda guud ee dalka u taal, wuxuu ilaaliyaa dhaqanka suubban, anshaxa iyo asluubta ummadi leedahay.

Waa inuu leeyahay miyir iyo miisaan ilaaliya hawlihiisa

Waa inuu ka fayow yahay oo ka madax banaan yahay, balwooyinka iyo aafooyinka camalka dhaawaca ama dib u dhiga.

Waa in aannu mabda ka dhigan xasaradda, xeerjajabka iyo dhinac u janjeedhka guracan ee dhabbada sugan ka leexinaya.

Waa inuu leeyahay hibooyinka qurxisa hawshiisa, sida aftahamada iyo farshaxanimada.

Waa inuu si xeeldheer oo kala qalan u yaqaan luuqadda uu wax ku qorayo, ama ku tebinayo

Waa inuu asturan yahay dhinaca hiyiga iyo haynta

Waa inuu ka nabad qabaa qarqarsiga iyo qafaalashada xasiloonida qaadda.

Waa inuu ka tirsan yahay meelo xaqiisa ilaaliya oo ku gudban ama gaadh-haye ka ah.

Maxaynu ka nidhi saxaafadda

Marka horeba waa in saxaafaddu ka soo jeeddaa – ummadda iyo waayaheeda

Waa inay saxaafaddu tahay sawirkii ummadda oo dib loo tusayo si ay isu daawato.

Waa inay ilaaliso midnimadda iyo maslaxadda ummadi leedahay

Waa in xilka saxaafaddu yahay toosin iyo talo bixin,

Waa inay xambaarsan tahay nuxur iyo mug marba marka ka dambaysa isa soo tara.

Waa inay tahay macalin “laqan” ah oo dadka wax bara, waxna ka barta

Waa inay tahay mid kaydisa dhacdooyinka maalmaha.

Waa inay isku xidho dalka iyo beesha caalamka

Waa inay iska wada gufayso gododka bahalo galeenka ah iyo cid kasta oo taqaanna garab ku daaqa.

Waxay yeelataa cadow fara badan, oo colaaddiisu ka soo jeeddo dano gaar ahaaneed iyo gurac wax ku doon

Laakiin, waa inay ku tiirsan tahay shacbiyad, cudud iyo ciidan ka fara badan cadowgeeda.

Waa inay difaacdo xoriyadda iyo xuquuqda muwaadinka

Waa in dadku hiil iyo hoo la barbar taagan yahay.

Waa in dowladdu ixtiraam iyo xoojin la garab taagan tahay.

Waa inay ka madax banaan tahay masalooyinka reebban.

Waa inay leedahay sharciyad, urur iyo ururro ilaaliya

Intaasoo dhan iyo in ka badan waa suxufiga iyo saxaafadda is waafaqsan oo jira meelo badan oo adduunka ah.

Bal haddaba, aynu u soo noqonno, suxufiga iyo saxaafadeenna. Suuragal noqon mayso inaynu teenna, barbar dhigno suxufi iyo saxaafad soojireen ah, dhismay oo dhan walba dhidibbada aastay, ka gudbay heerarka caqabadaha ku ah oo dhan, oo aynu si walba iyo dhan loo dayoba ku kala duwan nahay.

Teennu marka hore, waa saxaafad da’yar oo socod barad ah, oo weli aan gacanta ku dhigin qodobbo badan oo aasaasi ah. Waxa dhacay burbur guud oo laastay naf iyo maal, dhur iyo dhaqan, anshax iyo asluub. Burburkaasi weli wuu socdaa. Maalin walba maalinta ka dambaysa, dalka iyo dadka waaxbaa sii degeysa. Taasna astaamaha caddaynaya waxa ka mid ah barakaca iyo sibiq-dhaqaaqa dalka ka socda, geediga iyo suudalka taxanaha ah, isdeldelka nafwaaga ah – xaaladdaas ayay saxaafadeennu dhex taagan tahay. Waxay salka ku haysaa waayaha ka jira dalka iyo dadka. Ummaddu kuma biirin karto arrin aqoon iyo adduun midna.

Ragga saxaafadduna badi waa rag dhallinyaro ah oo weli ay u dhiman tahay aqoon iyo waayo-aragnimo. Waxay sameeyaan ragganimo iyo dedaal aan dedaal kale ku tiirsanayn. Waxa haysata qorshe la’aan iyo qalab la’aan. Waxa haysata fadqalallo iyo fara-madhnaan. Waxa haysata cadaadis iyo cagajuglayn kaga imanaysa dhinaca dowladda. Weli ma saldhigin oo uma saahidin xilka iyo mas’uuliyadda hortaal ee ay keli ku yihiin. Cid hundo og oo ka war haysaa ma jirto, ciday nabadgelyo ahaan ku tiirsan yihiin ma jirto. Marar badan bay dhacday in badan oo iyaga ka mid ah in xabsiga loo taxaabo oo aan laba cali is weydiin, oo weliba habka iyo hanaanka loo qabtay ay dadnimada ka baxsan tahay. Denbi lagu oogey oo maxkamadi ku caddaysayna aannu jirin. Hadday dhaliilo leeyihiin waa dhaliilo ka muuqda dalka iyo dadka. Cid waxa ku dhaantaa ma jirto, siday wax ku dhaliyaanna waa rag ka rooni iyo dedaal ay keli ku yihiin.

U dambayn, waxaan hanbalyeynayaa xuska maanta ah ee wargeyska Geeska Afrika iyo guud ahaan ururka warbaahinta.

SUXUFIGA IYO SAXAAFADDU WAA INTAAS IYO IN KA MUG WEYN

Allaa Mahad Leh

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!