Surwaalka Cidhiidhiga Ahi Waxa Uu Dhaawacaa Neerfayaasha Iyo Awooddooda Dhalmada Ragga

0
1236

Berlin (Geeska)- Xeeldheerayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa ka digay in saraawiisha cidhiidhiga ahi ay sababaan in ay burburaan neerfayaasha waaxyaha hoose ee jidhka bani’aadamka. In kasta oo ay ka hor yimaaddeen daraasado hore oo iyaguna sheegay in saraawiisha cidhiidhiga ahi ay ragga ku keento madhalaysnimo, Goethe Christian oo ah khabiir Jarmal ah oo ku xeeldheer caafimaadka Kaadi-mareenka ayaa mar uu arrintan ka hadlay waxa uu sheegay saraawiisha cidhiidhka ahi aanay keenin madhalaysnimo, laakiin ay jiraan cilmibaadhiso tiro badan oo sheegaya in saraawiisha cidhiidhiga ahi ay daciifiyaan tayada biyaha labka, sababtuna ay tahay heerkulka hareeraha xiniinyaha oo kor u kacaya haddii surwaalku uu cidhiihi yahay, taasina khatar ku tahay ninka. Arrintaas uu khabiirku sheegay oo keeni karta madhalaysnimo.  Khabiirkan oo ka tirsan cisbitaal jaamacadeed caan ka ah magaalada Berlin ee xarunta dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Charite University Hospital ayaa sheegay in khatarta saraawiisha cidhiidhiga ahi ay ku sii badan tahay ragga fadhigoodu badan yahay.

Goethe waxa uu sheegay in ay jiraan sababo kale oo iyaguna daciifnimadan awoodda noolaha ku jira biyaha ninka keena, waxa aana ka mid ah sigaar nuugista, daalka jidheed oo qofka ku bata iyo nooca cuntooyin ee qofku cuno.