Sunneyaasha Indhahaa Laga Garan Karaa In Qofku Uu Yahay Ruux Tiisa Uun Daryeele Ah Iyo In Kale

26
3019

Ottawa (Geeska) – Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen culimo cilminafsi oo u dhashay dalka Kanada ayaa daahfurtay in qaabka samays ee sunnayaasha indhuhu ay yihiin calaamado looga tusaale qaadan karo dabeecadda qofka.

Labada cilmibaadhe ee Picoulas Roll iyo Miranda Jacomin ayaa iyaga oo ka warramaya sida ay sunneyaashu calaamad ugu noqon karaan dabeecadda iyo xaaladda nafsiga ah ee qofka, waxa aanay si gaar ah u xuseen in xaaladaha qaabka sunnayaashu u dhigan yihiin lagu garto ay ka mdi tahay xaaladda ah in qofku uu leeyahay dabeecad ‘tiisa daryeele’ ama in uu wax kasta tiisa ka hor marinayo ah. Xaaladdan  oo afka cilminafsiga lagu yidhaahdo ‘Narcissism’ waa in qofku uu saaxiibtinimada iyo soo dhoweysashada dadka ku dadaalo inta uu u baahan yahay, marka se uu arko in uu ka marmaay uu geeska geliyo oo ka fogaado.

Tijaabo aad u salballaadhan oo ay sameeyeen culimo ku xeeldheer cilminafsiga ayaa ay ku ogaadeen in dadka sunneyaashoodu timaha badan ee isku cufan leeyihiin ay u badan tahay in ay yihiin dadka ‘Narcissism’ ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here