Suldaanka Guud Iyo Ugaaska Beelaha Ayuub Oo Si Weyn U Taageeray Xisbiga Waddani

0
536

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Aamiin Suldaan Faarax iyo Ugaaska beelaha Ayuub Ugaas Ismaaciil Cabdi Huluul, ayaa si weyn u soo dhaweeyay xisbiga Waddani iyo murashaxa xisbigaas Md. Cabdiraxmaan-Cirro.

Madax-dhaqameedkan oo ka qayb galay xafiis uu xisbiga Waddani ka furtay degmada 31 May oo uu ka qayb galay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Cirro, ayaa waxa ay sheegeen inay taageersanyihiin xisbiga Waddani oo ay codkooda siin doonaan. Suldaanka guud ee Ayuub ayaa yidhi "Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay intaas oo qof oo isugu soo baxday fagaarahan oo soo dhawaynaysa xisbiga iyo xafiiska la furay waxaan u malaynayaa inuu shacbigu hore u guuray oo uu dantiisiina gartay, waxaan leeyahay shacbigaygoow wax fahma oo arka halkay dantu idiinku jirto, haddii hore laydiin qalday maanta laydin qaldi maayo, waxaan leeyahay dadkaygoow haddii hore laydiin dhacay yaan dib laydiin dhicin oo nabadgaladiinana ilaashada."

Ugaaska Beelaha Ayuub ayaa isna yidhi "Maanta roob aanan hore u hayn ayaa noo hilaacay, 25-kaas anadood waxaanu ka qatanayn dawlada iyo waxay haysataba wadooyinkayaga iyo buurahayaga ayaad ka aragtaa inay busaaradsan yihiin, waxaan maanta bulsho weynta u sheegayaa inuu hilaac inoo baxay oo xaafada 31 may dayax ayaa u soo baxay, waxaan idiin sheegayaa sidaas iyo si ka daran ayaan hawsha u sii wadaynaa guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cirro waa uu ku mahadsan yahay abaabulka uu inoo keenay, xisbiga Kulmiye aniga ayaa ka soo baxay oo laba askari ayay noqdeen oo waan ku soo jabay. Waxaan idiin sheegayaa inaan maanta si wanaagsan u shaqayno oo aan busaarada ka baxno oo dhalinyaradeenaas aqoon yahanka ah ee wadada taagan ee meel ay tagaanba la leeyahay yaad tahay ayaynu ka baxaynaa, Cirro waa madaxweyne cadaalad ah beelaha Somaliland oo dhana waxaynu la dooynaa sinaan iyo cadaalad."

Geesta kale Murashax Cirro oo ay wehelinaayeen siyaasi Jaamac Hilaac, Siyaasi Baashe Yuusuf Axmed, Xoghayeyaal ka soo jeeda deegaankaas iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsanaa xisbiga WADDANI, ayaa xafladaas xadhig ka jarista ahayd waxay ka jeediyeen khudbado.

Siyaasi Baashe Yuusuf Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay maanta ka xaafad ahaa ay xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyaan degmada 31ka May ee Hargeysa.

“Farxad bay ii tahay in aynu maanta halkan ku soo dhaweyno xisbiga WADDANI oo idinku na aad muujisaan taageerada aad u haysaan iyo cududiina ba oo aad muujisaan in aad dalka hiil u tihiin si aynu dalka uga ridno xukuumaddaa dulmiga wada ee dalkii boobtay, musuqa iyo sicir-bararku na inagu daashaday. Xisbiga WADDANI na wuxu u taagan yahay mideynta dadka la kala qeybiyey, wuxu u taagan yahay dejinta sicir-bararka, wuxu u taagan yahay in uu amniga sugo iyo weli ba in uu keeno Ictiraaf buuxa.”.Ayuu yidhi Baashe Yuusuf Axmed

Siyaasi Jaamac Hilaacayaa waxa uu yidhi. “Horaa qalad innooga dhacay oo aynu u dooranay xisbiga KULMIYE se maanta qaladkeenii waxa aynu ku bedelaynaa xisbiga WADDANI oo wax badan innoo qabanaya, taas baana ayaanu idiin ku baaqeynaa, codkeena na waa in aynu ugu hiilinaa xisbiga WADDANI.”.Siyaasi Jaamac Hilaac

Guddoomiyaha Qurba-joogta Beelaha Ayuub, siyaasiyiin, wax-garad iyo weli ba sida oo kale dhallinyaro aad u tira badan oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin xafiiska xisbiga WADDANI uu ka furtay xaafadda 31ka May ee Hargeysa, waxaana ay halkaas cod dheer kaga dhawaaqeen in codka beelaha Ayuub ee dega deegaanada Sayla iyo weli ba 31ka May ee Hargeysa ba ay taageeri doonaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay codkooda ugu hiilin doonaan maalinta Doorashada.