Suldaan Xiirey Oo Ka Hadlay Ujeedada Socdaalka Guurtida Ka Timid Wadanka Somaliya

0
590

Picture4Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, ayaa ka waramaya ujeedada dhabta ah ee Madax dhaqameedka iyo Odeyaasha Somaliya ay u yimadeen Somaliland, waxaanu sheegay in aanay u socon ujeedo kale ee ay doonayaan inay Somaliland ka bartaan waxyaabo badan, oo ka maqan dalkooda.

Suldaan  Yuusuf Muxumed Xiiray oo qaar ka mid ah Warbaahinta u waramayey ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan Salaadiinta Somaliland ay la kulmeen dhigooda Somaliya, mawqifkoodana ay u sheegeen, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya “Odeyaashan iyo Madax dhaqameedkan Somaliya ka yimid ee dalkeena Somaliland yimid, waxa ay ka kooban yihiin 48-madax dhaqameed, oo iskugu jira Beelaha dega Gobolada Somaliya oo dhan, kumana jiraan wax Somaliland ahi, waxa ay u yimdeen Somaliland inay wax badan ka ogadaan hanaanka, kala dambeynta, nabada iyo horumarka ka hirgalay Somaliland, balse wax kale oo ay u socdaan oo la qarinaya ma jirto”.

Suldaan Xiiray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Salaadiinta Somaliland Laasqorey ilaa Saylac, si wada jira ah ayaanu Odeyaashan Somaliya ka yimid ula kulanay, xaqiiqda dhabta ah iyo mawqifka Somaliland ayaanu u sheegnay, waxa aanu u sheegay in Somaliland ay tahay Dal Madax banaan, oo aanay dib uga mid noqon doonin Somaliya, ilaa xuska 18-may wey ila joogayaan, aadna waxa ay ugu farxeen sida aynu wax u qabsanay”.