Suldaan Saleban Oo Soo Bandhigay Saamiga Ay Beelaha Galbeedka Iyo Bariga Burco Ku Kala Leeyihiin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

4
1369

 

 

habaarHargeysa(Geeska)-Suldaan Saleebaan Boqar Cismaan Xasan, oo ka mid ah salaadiinta beesha Habaryoonis ayaa shalay soo bandhigay mansabyada kala duwan ee ay Beelaha Habaryoonis iyo Habar-jeclo ku leeyihiin xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka.

Suldaan Saleban, oo shalay shirjaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu si adaga uga soo horjeestay hadal dhawaan ka soo yeedhay odayaal iyo wax garad kale oo sheegay inaanay Beesha Habaryoonis haysan saamigii ay xukuumadda Siilaanyo ku lahayd, waxaanu sheegay inay beeshiisu haysato saamigii ay xaqa u lahayd. Suldaan Saleban, wuxuu sheegay inay Beesha Habaryoonis gobalka Togdheer ku leedahay 12 isu duwe, halka uu sheegay inay habarjeclo ku leedahay 7 isu duwe, gobalka Sanaag ayuu isna sheegay inay Habaryoonis ku leedahay 61 masuul, halka ay Habarjeclo ku leedahay 12 masuul, Hartina ku leeyahay 12 masuul.  Si guud wuxuu u sheegay inay Beesha Garxajis guud ahaan hay’adaha dawladda ee dalka ku leedahay 38 kursi, Habar Awalna ku leedahay 43, halka uu sheegay inay Habar-jeclo leedahay 23 kursi. “Marka runta la sheegaayo doorashooyin ayaa la galay codna waa loo baahnaa dawladan imika joogta ama xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo hoggaaminayay beeshu waxa ay hayd reerihii ugu codka yaraa, xaga saamiga dawlada ayaa la qaybiyay qaybtii ay ku lahaydna waa ay heshay, dawna way ahayd inay beeshu qaybteeda hesho lagumana qatana xukumaadan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “ Dawladan maanta joogta rag aan hawlgalin oo dadaal samayn ayaa mansabkeeda iska haysta oo waliba raali lagaga yahay, waxa lagu cel celiyay Habar-yoonis cabashay qabtaa mar horena waan ka hadalay imikana waan ku celinayaaye, Habar-yoonis waxa ay ka koobantahay beelo, beelaha kuraasta ugu badan ku fadhiya ayaa maalin walba cabashada ugu badan la yimaada, Axmed Gacan ayaan dhagaysanayaayay oo leh waxaan la qabaa tabashada ay Beeshu soo jeedisay, waana raga ay halkan ugu yaalan kuraasta badan, nin waliba intuu inankiisa kursiga ugu culus geliyo inuu haddana cabsho la soo fadhiisto warbaahinta waa wax laga xishoodaa. Anigu waxa aan leeyahay cabasho Beeshu ay qabtaa ma jirto, waxanan soo jeedinayaa ilmaadeerayaalow cabashooyinka aan xaqiiqda ku dhisnayn ha layska daayo.”

Wuxuu soo jeediyay in  haddii ay wax cabashooyin ahi jiraan loo maro jid kale, “Hadday cabashooyin jiraana aan u soo gudbino qaab nadiifa cid kastana waa laga caban karaa, lakiin cabashadan laysu marinaayo warbaahinta waxaan u arkaa fadeexad ee maaha cabasho, waliba ta aanad waxba ku qatanayn ee aad saamigaagii ku haysataana way ka sii xuntahay. Ma-lihi  yaan la cabanin ee waxaan leeyahay yaan dariiqeeda laga duwin oo aan laga dhigin xajiin iyo ceeb.”

Isagoo la hadlaya dadweynaha reer Somaliland, wuxuu yidhi, “Dadwaynha reer Somaliland waxa aan kula dardaarmayaa waxa aynu nahay dad amniga jecel, waxaynu nahay umad wadankooda jecel, waxaynu u baahan nahayna inaynu hormar gaadhno oo aan hore uga talaabsano halkaan maanta joogno, waa’inaan nabadgalyada illaashano oo qofku aanu cid kaleba eegine uu yidhaahdaa anigay wax igaga xumaanayaan nabadgalyo darada.”

Qoraalkan uu suldaanku shalay soo bandhigay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo hore ugu soo bandhigay shirkii uu toddobaadkan la yeeshay guddi xildhibaano ah oo ka socday beesha Habaryoonis.  Laakiin Suldaanku waxaanu sheegin tirada ay Beesha Habaryoonis ku leedahay wasiirada oo ah saddex wasiir, halka ay Habar jeclo ka leedahay afar wasiir iyo Madaxweynaha qaranka.

Jaantuuska Uu

Suldaanku Soo Bandhigay

Garxajis: 38

Habar Awal:             43

Habar Jeclo: 23

Gobolka Togdheer

Habar Yoonis: 12 Madaxda Gobolka

1. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

2. Wasaaradda Ganacsiga iyo  Warshadaha

3. Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

4. W. Dib-u-dejinta

5. W. Maaliyadda

6. W. Caddaladda

7. W. Diinta iyo Awqaafta

8. W. Hawlaha Guud

9. W. Waxbarashada

10. W. Qorshaynta

11. W. Gaashaandhigga

12. Wakaaladda Biyaha

Habar Jeclo: 7 Madaxda Gobolka

1. W. Ciyaaraha

2. W. Caafimaadka

3. W. Duulista Hawada

4. W. Macdanta iyo Biyaha

5. W. Shaqada iyo Bulshada

6. W. Beeraha

7. W. Warfaafinta

 Gobolka Sanaag

Habar Yoonis

61 Madaxda  Gobolladda

Habar Jeclo:             

12 Madaxda  Gobolladda

Harti:

12 Madaxda  Gobolladda

Ciidamada

Hogaanka Booliska

Cabdi Xandule (Muuse Ismaacil)

Hogaanka Booliska

Axmed Dheere (Isaxaaq)

Hogaanka Birmadka

Ina Axmed Tiir (Reer Sugule)

Taliyaha Trafikada JSL

Ilka case (Muuse Ismaacil)

 

Taliyaha Aaga Bari:Dhancade (Muuse Cabdalle)

Taliyaha Ciidanka Asluubta Burco

Jaamac Dheeg (Reer Sugule)

Taliyaha Ciidanka Ceerigabo

Cabdilaahi (Sacad Yoonis)

Abaanduulka Ciidanka Qaybta Bari

Deeq Afcad (Reer Caynaashe)

Hay’adaha Dastuuriga

Hanti-dhawrka

Gudoomyaha Baanka

Komishanka Doorashooyinka

Comments are closed.