Suldaan Maxamed Oo Xasan Sheekh Ku Cambaareeyay Fadhataysiga Madaxdhaqameedka Somaliland Qaarkood

0
504

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa digniin u diray Maamulka Somaliya, waxaanu uga digay farogelinta uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo madaxdhaqameedka oo uu doonayo inuu qaarkood oo aan ahayn madaxdhaqameedka rasmiga ah geeyo magaalada Muqdisho si ay u xulaan Baarlamaanka Somaliya.

1

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale fariin waano ah u diray dhammaan Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaan ka qabaa aragtida Wasiir Warancadde ka bixiyey, madaama aynu nidhi weynu ka soo noqonay Somaliya oo aynu la baxnay Somaliland, waxa ina quseeya wixii Somaliland gudaheeda ah, Barlamaankeenii iyo Madax-dhaqameedkeenii ayaa ina sugaya, meel kale oo aynaan garanayn waxaynu ugu gacan haadinaa baadil weeye, Madax-dhaqameedka sidaas ku tala jirana waxaan leeyahay waar ka waantooba, oo Xukuumadda iyo taageeradeedaba raaca.

Ictiraafkan la sheegayo dalkeenu waa muctarif, madaama aynu Basaboorkii Somaliland meel kasta ku tagayno, marka waxaan odhan lahaa Dadweynaha waxaa ka baxa, Dawladda aynu dooranay ee cod bixinta ku soo baxday, waa in arintooda la raaco, wixii ay yidhaahdaan waxaasi ma jiro, waa ma jiro, wixii ay yidhaahdan raacana weynu raacaynaa”.

Suldaan Maxamed mar uu fariin u diraayey Maamulka Muqdisho wuxuu yidhi “Iyaga waxaan leeyahay tiina maamusha taayada ayaanu maamulaynaaye, inaad idinku is maamushan oo dadka aad nabadgalyada u soo celisaan ayaa la idinka baahan yahay,muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa meesha joogta, ninka muwaadinka ah ee reer Somaliland ee dhibaato gaadho, anagu waxaanu u haysanaa dawladda Somaliya Xasan Sheekh, dadkaasi waa dad shaqo tagay oo xoogsato ah, iyo dad dhalinyaro ah oo mutacalimiin ah, taas anagu ka mamnuuci mayno, waayo ninku shaqsiyan wuxuu jecel yahay inuu ka shaqeeysto wuu ka shaqeeysan karaa, laakiin Somaliland wey tashatay waxayna ku tashatay inay gooni isku taagto, walaalahooda Somaliyeedna xidhiidh wanaagsan la yeelato”.

Suldaan Maxamed mar uu bulshada la hadlaayey wuxuu yidh “Waxaan leeyahay Shacaboow wax alaale wax idinka faa ’iido ahi waxa Xamar   ka dhacaya ma jiro, waxa ka dhacaya Somaliland ayaa la idinka baahan yahay  inaad gurmad iyo heegan u ahaatan uguna diyaar garoowdan”.