Suldaan Maxamed Oo Ku Taliyay In La Kala Diro Guddiga Doorashada

0
1471

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala diro Komishanka Doorashooyinka, waxaanu soo jeediyey in nidaamka lagu soo xulo wax laga bedelo, oo si siman Xisbiyada loogu qaybiyo xubnaha Komishanka.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadaly cuna yaraanta la sheegay inay ku soo fool leedahay Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Komishanka “Komishanka qaabka lagu soo xula maaha qaab cadaalada ku saleeysan, sababtoo ah laba xubnood waxa keena Madaxweynaha, laba xubnoodna Golaha Guurtida, min hal xubina Saddexda Xisbi, sidaas oo darteed Xisbiyada Mucaaradku Komishanka waxay ku leeyihiin laba xubnood oo qudha,markaas Komishankii iskuma dheeli tirna, madaama loo baahan yahay in Garsoor iyo dhex noqdaan, ma noqon karaan, aanay Xisbiyadu si siman u qaybsanin, maxa yeelay Xisbi ayaa shan xubnood haysta, halka xisbiyada Mucaaradkuna isku haystaan laba xubnood, markaas Komishan XIsbi looma baahna, Komishan dhinac ka rarana looma baahna, ee komishan qaran oo Xisbiyadu si siman u soo magacaaban ayaa loo baahan yahay, Komishankana haddii kalsoonidii lagala noqday cadaalad darana lagana tirsanayo inay sii joogaan maaha, ee waa in la kala diraa”

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir mar uu ka hadlaayey cuna yarida la sheegay inay ku soo fool leedahay Somaliland ayaa yidhi “Dad Islaam ah ayeynu nahay, ALLE ayaa inoo qoray wax cunaheena maraya, ALLE ayaa ina arsaaqaya, gaal ALLE ka fogaaday wuxuu sadaaliyey maaha inaynu run moodno, ee waa inaynu ALLE barinaa, oo aynana naxariistiisa ka quusan, oo bariyadiisa ka quusan, ALLE adamkiina wax cuna yariya oo inagu dhacaya ma jiri doonto, ee ALLE ayeynu ka baryeynaa inuu wax walba inoo barkeeyo, oo uu arsaaqada inoo barkeeyo, waxaana mar walba la inooga baahan yahay inaynu la nimaadno tacab iyo dadaal aynu dhulkeena wax kala soo baxno kuna beerano, balse la inoogama baahna inaynu gaal aamino”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here