Suldaan Ismaaciil Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jira Inuu Ka Badbaado Mooshin La Doonayo In Xilka Xildhibaanimo Lagaga Qaado

36
2621

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudenayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa olole ugu jira inuu iska difaaco weerar la doonayo in lagaga xayuubiyo xilka xildhibaano, ka dib markii dhawaan ay shirguddoonka golaha guurtidu ku sameeyeen shaqo joojin.

Fadhigii golaha guurtida ee shalay ayaa la filayay in shirguddoonka golaha guurtidu mudanayaasha u soo bandhigo mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado, ka dib markii uu dhawaan ka qayb galay shir lagu caleemo saaray madaxdhaqameed reer Puntland oo ka qabsoomay deegaankada Puntland. Balse fadhigaas ayaa baaqday.

Suldaan Ismaaciil, ayaa inkastoo aanu weli saxaafadda la hadal haddana warar xogogaali waxay sheegayaan inuu guclo iyo orod ugu jiro sidii uu uga guulaysan lahaa mooshinka la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo. Wararku waxay sheegayaan in Suldaan Ismaaciil haysto taageerada xildhibaanada golaha guurtida, laakiin xoogaga ka soo horjeeda oo doonaya in xilka laga xayuubiyo Suldaanka ayaa iyaguna ku jira dedaal hor leh.

Haddii ay mudenayaasha golaha guurtidu ogolaadaan in Suldaan Ismaaciil laga qaado xilka xildhibaanimo, waxa uu halis ugu jiraa in lagu soo oogo dacwad la mid ah tii lagu dacweeyey Boqor Buurmadoow oo ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah.

Haddiise uu suldaan Ismaaciil ka badbaado mooshinkaas, waxa ay shirguddoonka golaha guurtida iyo xoogag kale oo qarsoonba ku noqon doontaa dhirbaaxo.

Si kastaba ha ahaate, shacabka ayaa isha ku haya halka uu saldhigan doono qorshaha lagu doonayo in Suldaan Ismaaciil xilka xildhibaano lagaga qaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here