Suldaan Ibraahim Oo Cadaalad Daro Ku Tilmaamay Qaabka Uu KULMIYE U Dhisay Maamulka Gobalka Gabiley

0
486

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka mid ah salaadiinta gobalka Gabiley, ayaa si adag uga horyimid magacaabis uu guddomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi ku dhisay maamulka xisbiga ee gobalka Gabiley, oo uu suldaanku sheegay inaan lagu soo darin Beelaha Samaroon ee gobalkaaas degen.

1

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ay ilmaadeer yihiin Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan ku biiray xisbiga KULMIYE, wuxuu cambaareeyay talaabadan, waxaanu sheegay ka’ madax dhaqameed ahaan inay ka tashanayaan KULMIYE, haddii aan talaabadaas wax laga qabanin, “Waxaan shirkan jaraa’id u qabtay oo aan ka hadlayaa arrinta cadaalad darada ah ee uu ku kacay maamulka xisbiga kulmiye ee uu ku dhisay maamulka gobalka Gabiley, cadaalad darro weyna uu ku sameeyay beelihii wada degenaa gobalka Gabiley, taas oo uu ku kala sameeyay inuu u kala eexday beelihii wada degenaa ee xisbiga u soo wada halgamay.” ayuu yidhi Suldaanka oo intaas raaciyay “Beelana  wuxuu siiyay sed bursiiyo, beelo kale oo cudud xoog leh ku leh deegankana uuna xubina siin. Arrintaasi run ahaantii waa arrin cadaalad darro ah, jabna waxay ku tahay xisbiga KULMIYE iyo maamulkiisa, waxaan cambaaraynayaa oo aan u sheegayaa xisbiga KULMIYE haddii uu talabadas ku sii socdo inay tahay talaabadii uu ku jabayay.”

Isagoo Suldaanku la hadlaya guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu yidhi “Sshalay guddoomiyaha iyo murahaxa madaxweyne ee KULMIYE hadaladiisii uu ku hadlayay ee uu ku sheegayay cadaaladda, wada lahaanshaha ma waxay ku dambaysay in beelaha baho-samaroon ee gobalka Gabiley weligood soo degenaa uu ku soo dari waayo guddigii loo samaynayay gobalka, run ahaantii sidaasi waxay tahay fool xumo weyn, annaguna u dul qaadan mayno, waa cadaalad darro uu bilaabay, waxaanay taasi keenaysaa in beelaha gaarka uu u xusay mooyee inta kalena ay ka tashan doonto haddii arrintaas dib loo sixi waayo.”

Ugu dambayn wuxuu Suldaanku yidhi “Waxaanu leenahay in aanaan marnaba qaadan karayn quudhsigaas iyo arrinkas uu ku kacay, iyadoo beeluhu aqoonyahanadoodu ay in badan u tageen kalana hadleen arrinkaas, inuu maanta iska indho tiro waa mid aanu ka xunahay.”