Suldaan Daakir Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyay Inuu Cadeeyo Inuu Dalka Ka Taliyo iyo Inay Dad Aan La Doorani Xukumaan

0
517

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Daahir Xasan Khaliif ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay in uu shabiga Somaliland u cadeeyo inuu dalka ka taliyo iyo in cid kale ay dalka ka arimiso, waxa uu suldaanku madaxweynaha ugu baaqay hadii aanu dalka ka talin inuu shacabkii soo doortay talada gacantooda ku soo caliyo. Waxase ka jawaabay taliska Booliska.

Suldaan Daakir ayaa daba socday masuuliyiin badan oo kadib markii ay xilka ka tageen ku dhawaaqay in dalka aanu madaxweyne Siilaanyo ka talin ee ay jiraan gacmo kale oo dalka ka shaqeeya, waxaanu Suldaanku isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi "Waxa inagu soo noqnoqotay in dadka xilka xukuumada ka hayaa marka ay ka tagaan ay cadeeyaan in aanu dalka madaxweyne ka talin, la taliyayaashiisii iyo wasiiradiisii qaarbaa leh ma aragno madaxweynaha, qaarbaa leh waxa ka taliya dalka cid aan loo igman, waxaan rabaa inaan u soo jeediyo madaxweynaha waxan la sheegayaa haday dhabtahay umadda u cadee oo soo fadhiiso oo waxaad tidhaahdaa waa sida la sheegayee dalka cid kale ayaa ka talisa, ama umadda u cadee oo waxad tidhaahdaa anigaa dalkan ka taliya, waxaanu ku leenahay madaxweyne hadii aanad umadda u talin xilkooda si fiican ugu wareeji, hadii aad umadda u talisana soo fadhiiso oo anigaa taliya dheh, dalkeena dhibaatooyin badan ayaa ka jira oo abaaro,maamulxumo, waxa jira waxa badan oo aan loogu adkaysan karin, in badan ayaa umadda wax laga qarinaayay laakiin maanta wax la qarsan karaa ama jirto, dalkiina meel halis ah ayuu ku sii socdaa, dalkiiba waxa uu noqday mid aan lagu tashan karin oo waxaad arkaysaa sixirbararka taagan."

Jawaabta Booliska

Hase yeeshee su’aalaha uu Suldaanku hawada u mariyay Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka jawaabay taliska Booliska. Taliye-xigenka ciidanka Booliska sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa isagoo suldaanka u jawaabaya wuxuu yidhi “Daakir (Suldaan Daakir )waxaan u sheegayaa in Axmed Maxamed Maxamuud uu yahay madaxweynaha qaranka oo uu yahay kii u soo halgamay ee u soo dagaalmay xoriyada maanta la haystana soo gaadhsiiyay, maantana haya majaraha umaddan isla markaasna horumarka la arkaayo ku talaabsaday,cid kasta oo ku sheekaysa dalkan madaxweynuhu ma hayo xukunkiisa ee cid kale ayaa haysa waxaanu u aragnaa cadawga umadayada, waa waxyaabaha ay isticmaalaan dalalkii aynu ka go'nay iyo kuwa aynu cadawga isku nahay, madaxweyne jira oo caafimaad qaba oo dalkan hogaankiisa gacanta ku haya.”

Waxa kale oo uu taliye-xigeen Fooxle ka jawaabay hadal uu Booliska ku ganay xoghayaha cadaaladda xisbiga Waddani qareen Barkhad Jaamac Batuun, waxaanu yidhi “Barkhadoow, adigana waxaan ku leeyahay waxbaanu maqalnaaye ishayadu way kula socotaa. Ciidanka boolisku dalkan ayuu u dhaqan yahay, cid kasta oo dalkan qabataana iyaga ayay u adeegsataa nabadgalyada iyo qaranimada jiritaankeeda, anaga xisbiyadu waa noo dhex, waxaanad ka hadlayseen laba qof oo danbi galay labada nina eedoodii maxkamad ayaa la horgeeyay oo waa la hayaa hadii aanu xisbi ahaan u doonanay halkaas ayay ka cadaan doontaa. in cid shacab ah ay ka hadasho ciidanka booliska ma jeclin, waana ciidan jira, siyaasadaha ciidanka, nidaamkooda iyo horumarkooda iyo dhaqankooda ninka ka hadla waxaanu u aragnaa inuu kaasi si kale yahay, shalay markii aad xukuumada ka tirsanayd Cabdilaahi Fadal waad amaanaysay oo waa wali ayaad lahayd, maantana kalsoonidii ayaanu kala noqonay ayaad leedahay, taliyaha waxa uu haya kalsoonida madaxweynaha, shacbiga iyo ciidankiisa, fadlan halaga waantoobo waxyaabaha aan afka iyo umadnimada ku wanaagsanayn ee ciidamada laga sheegayo, wax badan ayaanu u dabacnay umadda ama ka leexanay ee dariiqeeda ayaanu maraynaaye hadhow ayaan la kala caban."