Suldaan Cumar Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Guddoomiyaha TELESOM

0
9332

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo odayaal iyo dhallinyaro kale oo caan ah ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, oo dhawaan loo aqoonsaday hoggaamiyaha ugu wanaagsan shirkadaha Isgaadhsiinta ee Afrika.

Qado sharaftaas oo ka qabsoontay hoteelka ambassador ee magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay Dr. Saleban Cabdi Guuleed oo isagu soo qaban qaabiyay, waxaanu Suldaan Cumar oo halkaas hadal ka jeediyay sheegay in ujeedada hadhimo sharaftu ahayd maamuusidda iyo bogaadinta guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, “Waxaanu qado sharaftan u samaynay inaanu Cabdikariinoow kugu bogaadino guusha aad soo hoysay, adiga iyo shirkaddaba waxaanu idin leenahay hambalyo.” Ayuu yidhi Suldaan Cumar oo sheegay in dedaalka Cabdikariim uu ka muuqdo horumarka ay Telesom samaysay oo dunida laga aqoonsaday.

Dr. Saleban Cabdi Guuleed, ayaa isna sheegay in guusha Cabdikariim iyo Telesom u soo hoyatay tahay mid guud ahaan u soo hoyatay Somaliland, “Si gaar ah ayaan anigu ugu faraxsanahay guushaas, Cabdikariim iyo Telesom waan ku bogaadinayaa kuna hambalaynayaa guushaas.” Ayuu yidhi Dr. Saleban.

Ganacsade Xasan Bulbul oo isna kelmado kooban halkaas ka yidhi ayaa sheegay inay ganacsatada Somaliland u tahay guul ay wada gaadheen, “Guusha u soo hoyatay walaalkay iyo saaxiibkay Cabdikariim iyo Telesom waa guul u soo hoyatay ganacsatada Somaliland.” Ayuu yidhi Xasan Bulbul.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Salaadiin iyo dhallinyaro kale oo hambalyo u diray Guddoomiye Cabdikariim iyo Telesom.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, oo isna halkaas ereyo kooban ka yidhi, ayaa ka mahadceliyay hadhimo-sharafeedka oo uu ku tilmaamay mid dareenkiisa taabatay, waxaanu sheegay in guusha Telesom ku soo hoyatay dedaalka shacabka Somaliland ay la garab taaganyihiin shirkadda Telesom, “Si niyad iyo qalbi ah ayaan uga mahadcelinayaa qadadan la igu sharfay.” Ayuu yidhi Cabdikariim.

Ugu dambayn Suldaan Cumar, ayaa halkaas wuxuu shahaado sharaf ku gudoonsiiyay guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here