Suldaan Cabdilaahi Oo Shacabka Ka Raaligeliyay Hadal Uu Jeediyay Boqor Buurmadoow

0
854

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi ( Suldaan Laydh ), oo ka mid ah salaadiinta Beelaah Arab ayaa ku gacan saydhay in beesha Haashim ay u dhamayd kulan dhawaan xubno beesha ka mid ah ay ka shaaciyeen inay codkooda siin doonaan murashax Muuse Biixi Cabdi.  Waxa kale oo uu Suldaan Cabdillaahi umadda Somaliland ka raaligeliyay hadal uu Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow madashaas ka yidhi oo loo arkay hadal fitno abuur ah.

Suldaanku waxa uu ku tilmaamay dadka shirkaas abaabulay ahaayeen rag cadhaysan waxaanu sida oo kale dhaliilay hadal isla shirkaas uu ka sheegay boqor Buur Madaw, suldaanka waxa uu arimahan kaga hadlay mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada Hargyesa,waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”Waxaan ahay beesha Arab, siiba beesha Haashim arin xadanto badan dhalisay oo xalay ka baxday warbaahinta ayaan doonayaa inaan saddex qodob ka idhaahdo, mid weeyaane beesha Haashim waa mid balaadhan waa mid gobolo badan degta ama ma aha  beel afar qof oo geed hoostii qado ku karsaday ay yidhaahdaan beeshiibaa halkan ku dhan, beesha haashim halkaas kumay dhamayn qado oday cadhaysan uu sameeyay ayay ahayd  waxii ka soo dhex baxayna cid kasta oo ay wax yeeshay xaal baynu ka siinaynaa hadday tahay beelaha Somaliland iyo shaqsiyaadba.”

Suldaan Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Qodobka labaad waxa weeye waxa ka dhex toosay saaxibkay Cismaan Buurmadaw, waxaan leeyahayna Cismaanow inaad hagbadaadii iska sidato ayay ahayd laakiin nin baa laba dibi oo layli ah kiraystay oo markii uu faagii qodaayay ayaa lagu yidhi waar waata kaa leexatay markaasu yidhi waar dhankay u dhacdaaba waa beertii inay saddexda hoggaamiye ee xisbiyaduba ay yihiin beesha Habarmagaadle  oo madoobe iyo cadaawe kii soo horeeyaaba uu kii kale yahay, haddii toddobada sanadood ee aad awooda haysay aad doob yeelatay Axmed Maxamed Siilaanyo ayuu dadku ka xishoonayay ee lagaama baqan ee taas ku biyo cab, dadkan halaga daayo qolo qolada iyo qabyaalada anigu waxaan ka soo jeeda beeshii hubka dhigtay ee lagu aas aasay qarankan Somaliland nin walibana waa la ogaa halka uu ka galay taariikhda, waxay ahaydna inaan qaran dhisano ee may ahayn inaan qabaa’il isku weerarno, Buur madaw waxaan leeyahay hagbadaadii iska sido laakiin reeraha kale intaad shirarkooda timaado inaad gantaal ka dhex rido may ahayn eraygaasna waad ku qaldantay, cid kasta oo ay dhibtayna  waan ka raali galinayaa.”