Suldaan Bare Oo Taageeray Shirka Beelaha Arab, Kuna Baaqay In Loo Diyaar Garoobo

0
583

bareHargeysa(Geeska)-Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Arab ayaa taageeray shirka beelaha Arab ay ku dhawaaqeen in bisha lixaad uu qabsoomi doono.

Suldaanku waxa uu ku baaqay in loo istaago lana taageero shirkaas, isaga oo sheegay inuu ka cudur daaranayo inuu ka maqnaa munaasibadii lagaga dhawaaqay shirkaas, waxaanu Suldaan Barre madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisaka ku hambalyeey socdaalka dheer ee ay ku mareen gobalada dalka qaarkood.

Waxa uu sidan ku sheegay Suldaan Bare isaga oo shalay la hadlaayay wargeyska Geeska Afrika,waxaana hadaladiisa ka mida ahaa “Beesha Arab gudo iyo dibadba waxaan ugu baaqayaa in la tixgaliyo shirka beesha  ee bisha lixaad dhacaaya insha Allaah,kaas oo shirkii Hadhwanaag lagaga dhawaaqay ah. Waxaan u sheegayaa beesha meel kasta oo ay joogto inay isha ku hayso mudada oo arinkaas la xoojiyo loona soo diyaar garoobo meel la joogoba.”

Suldaan Barre, wuxuu dadka ku abtirsada Beesha Arab, ugu baaqay inay si weyn ugu diyaar garoobaan shirkaas oo lagu qaban doono magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd. Waxaanu sheegay inuu dhinaciisa taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagi doono shirkaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu Suldaanku yidhi, “Waxaan taageero weyn siinayaa socdaalka madaxweynaha ee uu xeebaha ku maray ee uu ku jiray toddabaad socdaalka bariga iyo galbeedka dalka, dalku waa bad iyo bari, maanta ka hortaw badda labadeeda koone ee ay Somaliland xukunto in aanay ina soo marin in la booqdo, waana mid waajib ah socdaalkan, waana lagama maarmaan dadka xeebahu waxay ku noolyihiin in la ogaado. Aad iyo aad ayaan taageero iyo kal gacayl weyn ayaanu u qabnaa madaxweynaha, waxaanan Alle waydiisanaynaa inuu caafimaad ku keeno isaga iyo waftigiisaba; Hargeysa.”