Suldaan Aadan Oo Madaxweyne Biixi Kula Taliyay Inuu Dhiso Xukuumad Uu La Xisaabtamo

28
2948

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa Madaxweynaha la doortay  Muuse Biixi ugu baaqay in Wasiiradda Xukuumaddiisa ee uu magacaabi doono, oo ku daba galo, oo uu si joogto ah uu kula xisaabtamo waajibaadkaas qaran ee ay umadda u hayaan.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale amaan balaadhan u soo jeediyey Warbaahinta Somaliland, oo uu sheegay inay si aad u qiimo badan ay uga qayb qaatay baahinta wararkii ku saabsanaa Doorashada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Hawl baynu ka soo baxnay, oo ILLAAHAY inagu guuleeyey, dhammaana shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan bari iyo galbeedba waan uga mahadnaqayaa sidii fiicnayd ee ay uga qayb galeen Doorashadii dalka ka dhacday, waana markii ugu horeeysay ee Doorasho noocan oo kale ahi dalkeena ka dhacday, oo daraf ilaa daraf gaadha, waxaana walibana qiimo siyaado ah leh Gobolada hareeraha xiga, oo tartankii ugu fiicnaa ee ugu quruxda badnaa uu ka dhacay, waxaana wax aad loogu farxo ah in Doorashadeenu ay ka dhacdo Badhan, Buhoodle iyo Deegaano kale oo aanay hore Doorashadu uga dhici jirin, waxaana xusid mudan in Adduunyada oo dhami inagu majeeratay, dadkeenu waa dad dawladnimada u mislaaday, oo doorashada u bislaaday, oo 27 sanno dawlad ahaa, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu nimcadaas uu inoogu sii wado, oo dalkeenu noqdo mid horumar dhinac kasta ah gaadha”.

Suldaanku mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Waxaanu hambalyeynaynaa cidii aynu dooranay oo ah Madaxweynaha Qaranka Muddane Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweyne ku xigeenka Muddane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana guud ahaan dadka reer Somaliland kula talinayaa inay is barbar taagan dawladooda, waxa kale oo aan amaanay iyo mahadnaq u soo jeedinayaa Mucaaradka, oo hogaamiyayaashoodu si gobonimo leh ayey yeeleen, una aqbaleen natiijadii Doorashada”.

Suldaanka mar uu ka hadlaayey Xukuumadda la dhisi doono ayaa yidhi “Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xil weyn baa fuulay, waxaana hadda la sugayaa Xukuumadda la soo dhisi doono, Madaxweynahana hawli kuma yara, waxaan se leenahay dawlad wanaagsan oo dalka iyo dadka wax u tarta ayeynu doonaynaaye, ee ha la iska daayo hebel iyo heblaayo ayaan wadaa, oo Madaxweynaha ha loo daayo xilkaas aynu saarnay, hana loo duceeyo,marka Xukuumadda la soo dhisana waxaan ku baaqayaa in cid walba sideeda loo daba galo, oo Madaxweynuhu Wasiiraddiisa ku daba galo shaqada ay qaranka u hayaan, oo Axsaabta iyo Shacabkuna ku ilaaliyaan”.

Dhinaca kale Suldaan Aadan Faarax, ayaa warbaahinta Somaliland ku bogaadiyey qaabka ay uga qayb qaateen baahinta wararka, waxaanu xusay in warar lid ku ah Doorashada aanay marnaba Warbaahinta Somaliland baahin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here