Suldaan Aadan Cawil Cilmi Oo Lagu Caleemo Saari Doono Dacarbudhuq

0
973

Picture2Hargeysa(Geeska)-Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka,salaadinta iyo siyaasiyiinta reer Faraax Jibriil iyo Cabdiraxmaan Tuurweyn ee beel weynta Aadan Ciise, ayaa laysku raacay in suldaanka beeshaas loo caleemo saaro Aadan Cawil Cilmi.

Caleemo saarka Suldaanka ayaa sida oo kale la go’aamiyay inuu ka dhaco degmada Laasgeel gaar ahaan Dacarbudhuq 1/3/2014, waxaana kulankan lagaga arinsanaayay suldaanka la caleemo saaraayo oo ka dhacay hudheelka Golis ee magaalad Hargeysa uu ku wargaliyay bulshada loo caleemo saarayo suldaankani inay maalintaas si mug leh uga soo qaybgalaan caleemasaarka Suldaan Aadan Cawil Cilmi.

Dadka ka soo qaybgalay kulankan lagu dooranayay suldaanka beeshani ay caleemo saaranayso waxa ka soo qaybgalay, cuqaal,odayaal,siyaasiyiin iyo aqoonyahano beeshaas ka soo jeeda, waxaan ka mid ahaa Cheif Caaqil Yuusuf Siciid Cabdi Nuur, Oday Maxamud Cisman, Oday Cabdi Muxumed Siciid,Oday Yaasin Farax Diiriye, Oday Nuur Xasan Farax,Oday Cilmi Geela Maan,Oday Yusuf Axmed Ducaale, Oday Ismaacil Daahir Dheere,Oday Ismaacil Aw Cabdi Ileeye, Oday Xasan Xirsi Muxumed, Gaashanle Dhexe Maxamed Aw Aadan Xirsi, Eng.Cisman Axmed Faraax, Dhamac Nuur Xasan, Maxamed Warsame Xirsi(Tiiti), Ismaacil Ibraahin Cisman (Jabiye), Ibraahin Cabdi Ileeye(Ilka Case), Cali Xasan Jamac, Eng.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Caydiid, Fu’aad Cabdi Cali, Mustafe Ibraahin Cisman, Sheekh Maxamed Muuse Qawdhan, Yexye Cisman Xirsi.