Sucuudigii Ee Shahaadadiisii Jaamacadda Gubay Markii Uu Shaqo Ku Waayey, Oo Imika Shaqo Fiican Helay

0
616

Riyaad (Geeska)- 19kii Bishii Shanaad ee sannadkan ayaa uu Geeska Afrika baahiyey warka nin u dhashay dalka Sucuudiga oo inta uu ka qalin jebiyey kuliyada caafimaadka ilkaha ee midka mid ah jaamacadaha dalka Urdun, markii uu muddo laba sano ah cilmigii uu bartay shaqo ku waayey, aakhirkii 15kii May inta uu hor istaagay wasaaradda caafimaadka ku hor gubay shahaadadiisa. Ninkaas oo si gaar ah uga cawday cadaaladda shaqaale qaadasho ee dalkiisa.

1

Haddaba qisada ninkan oo caan ka noqotay dunida ayaa keentay in weli warbaahintu sii dabagasho warkiisa si ay u ogaato bal hadda in uu helay shaqadii dabaqadda hoose ee uu sheegay in uu raadsan doono. Talefishanka Alcarabiya ayaa war uu Geeska Afrika ka soo xigtay ku sheegay in Dr. Muhannaa Al-Canasi uu imika shaqo ka bilaabay mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee mid ka mid ah goballada dalka Sucuudiga.

Muhanaa qudhiisa ayaa bogga uu ku leeyahay barkulanka bulshada ee internet ka Twitter waxa uu ku baafiyey sawir uu isagu iska qaaday, isaga oo jooga cisbitaalka uu ka hawlgalay, waxa aanu sawirkiisan hoosta kaga qoray, “Weli geeddigii lama furin, bilowga dhakhtarnimadayda runta ahina waxa uu noqonayaa marka aan shaqada si buuxda ula wareego. Saaxiibbadaydii kalana guul baan u rajaynayaa”