Sucuudiga: Wiil Dhalinyaro Ah Oo Gacantiisa Ku Dhistay Guri Aad U Qurux Badan Oo Uu Dego

0
647

1Riyaad (Geeska)- Wiil u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ku guulaystay in uu gacantiisa ku dhisto gurigiisii uu degi lahaa, arrintaas oo markii la ogaaday si aad ah u soo jiidatay dhammaan bulshada Sucuudiga, sababna u noqotay in kooxo dhalinyaro ah oo taageersani ay barkulannada bulsho ee internet ka ka furaan Hashtag ay u bixiyeen, “#Gacmihiinu khayrku ku jiraa” si dhalinyarada loogu dhiirrigeliyo in ay ka fikiraan sidii ay iskood hawlahooda ugu qabsan lahaayeen.

Wasaaradda shaqada ee dalka Sucuudiga oo qudheeda uu soo jiitay ficilka uu wiilkani ku kacay ayaa ku maamuustay billad ay ku sharfayso dadaalkiisa, hal-adaygga uu la yimid, iyo weliba calool adayga iyo nidaam wanaagga uu kaga gudbay dhammaan caqabadihii ka hor yimid, intii uu waday hawsha dhismaha gurigan.

Agaasimaha Waaxda horumarinta bulshada ee wasaaradda shaqada ayaa booqasho ku tegey guriga uu dhistay ninkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdalcasiis Shucaybi, waxa aanu la kulmay isaga oo ku gudo jira hawlo dhamaystirka guriga la xidhiidha. Agaasimuhu waxa uu sheegay in Cabdalcasiis mudan yahay dhiirrigelin iyo abaalmarin si uu ugu sii niyadsamaado horumarka uu ku tallaabsaday isla markaana dhalinyarada kale ku daydaan in ay gacantooda ku ciil bixi karaan.

Cabdalcasiis oo isna u warramay Talefishanka Alcarabiya ee uu warkan Geeska Afrika ka soo xigtay ayaa sheegay in muddadii uu dhismaha gurigan waday ay u yimaaddeen dhalinyaro aad u tiro badan oo dhammaantood u diyaar ah in ay wax ka bartaan waayo-aragnimada uu ka helay dhismaha, dhalinyaradaas oo kun ka badan ayaa uu sheegay in ay niyadda ku wada hayeen in ay iyaguna sidiisan oo kale yeelaan. Cabdalcasiis waxa uu sheegay in uu hadda wado qorshaha ah in uu dhiso bog internet ka ah (Website) oo uu ku baahiyo tababarka farsamooyinka uu ku faa’iday waayo-aragnimadii uu ka helay dhismaha gurigan, iyo sidoo kale wax kasta oo anfaci kara qofka doonaya in uu hawshiisan oo kale galo.