Sucuudiga Oo Xabsiga U Taxaabay Imaamkii Xaramka Iyo Sababo La La Xidhiidhinayo Xadhigiisa

26
4475

Maka (Geeska) – Dawladda Sucuudiga ayaa xabsiga dhigtay imaamkii masjidka barakaysan ee Maka Al-Mukarama, xilli weli lagu gudo jiro ayaamihii xajka oo ay sannadkan gudanayeen dad tiradoodu ka badan tahay 2 milyan oo ruux.

Xadhiga imaamka oo lagu tilmaamay markii ugu horreysay taariikhda Sucuudiga ee ay dhacdo in la xidho imaamka xaramka ayaanay illaa hadda dawladdu ka soo saarin tafaasiil rasmi ah oo la xidhiidha.

Bar twitter ka ah oo dadka ka soo horjeeda dawladda Sucuudigu ku faafiyaan magacyada dadka dawladdu u xidho sababo la xidhiidha hadallada ay jeediyeen iyo aragtiyahooda, ayaa lagu faafiyey in Sheekh Saalix Aala Daalib xadhigiisa ka hor, uu jimcihii ina dhaafay sidii caadada u ahayd khudbaddii jimcaha ka jeediyey Xaramka Maka, oo ay ku tukanayeen boqollaal kun oo ah muslimiinta sannadkan xajka gudanaysa. Barta twitterka ee xadhiga Sheekha faafisay ayaa lagu sheegay in sababta xadhiga Sheekhan caanka ahi ay la xidhiidho khudbadda uu jimcihii jeediyey. Sheekh Saalix waxa uu khudbaddaas kaga hadlay sida ay waajib u tahay in la diido xumaanta iyo dhaqannada diinta ka hor imanaya iyo in ay waajib tahay in cid kasta oo samaynaysa ama bannaynaysa laga diido.

Khudbad hore oo uu Sheekhu jeediyey ayaa uu iyadana si aad ah ugu naqdiyey kuna habaaray dad uu ugu yeedhay kelitaliyeyaal xadgudubay iyo dulmi falayaal aanu magacaabin. Waxa kale oo uu sheegay in culimada iyo haldoorka umadda ay amaano ka saaran tahay wanaajinta bulshada, waajibna ku tahay in ay kaalintooda qaataan si ay u noqdaan kuwo samaha lagaga daydo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa uu intaas ku daray in hadalkii u dambeeyey ee Sheekhu jeediyaa uu ahaa khudbad uu maalintii xajku bilowday jeediyey, iyo sida oo kale hadal uu ku qoray bartiisa Twitterka ka saacado ka hor intii aan la xidhin. Waxa aanu ahaa hadalkaasi ku waajahan xujaajta xaramka ku sugan oo maalintaasi u ahayd maalinta uu xajku bilowda oo ah maalinta bisha laba iyo tobnaad ee hijriyadu siddeed tahay, laguna magacaabo, ‘Maalinta Tarwiya’

in inkasta oo ay dawladda Sucuudigu muddooyinkii u dambeeyey xabsiga dhigtay culimo badan oo dalkaas iyo dunida muslimkaba magac ku lahaa, sida Sheekh Salmaan Cawdah, Sheekh Ciwad Al-Qarani, sida oo kalana xidhay dad rayid ah oo u dhaqaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha, iyo xitaa xubno ka tirsan qoyska boqortooyada, haddana imaamyada Xaramku waxa ay ahaan jireen kuwo si gaar ah loo ixtiraamo inta badanna ka tirsan culimada sida aadka ah ugu dhow boqortooyada.

Sheekh Saalix oo dhashay sannadkii 1974 kii waxa uu ka soo jeeda qoys caan ku ah cilmiga diinta iyo garsoorka dalka Sucuudiga, kana mid ah qoysaskii deegaanka asalka ah, ahaa ee kaalinta ku lahaa aasaaska boqortooyada Sucuudiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here