Sucuudiga Oo Markii Ugu Horreysay Taariikhda Ogolaaday In Diyaaradaha Israa’iil Ka Soo Duula Ama Ku Socdaa Ay Hawadiisa Sii Maraan Iyo Muftiga Guud oo Muusigga Xalaal Ka dhigay

31
3313

Riyaad (Geeska)- Dhacdo noqonaysa tii ugu horreysay taariikhda tan iyo markii la aasaasay dawladda Israa’iil , ayaa shirkadda diyaaradaha Hindiya ee Air India waxa ay duulimaad Delhi illaa Talaabiib ahaa si toos ah u dul marisay hawada boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wakaaladda wararka ee Mahr ayaa ku warrantay in shirkadda Air India ay tahay ta keliya ee uu Sucuudigu rukhsadda u siiyey in duulimaadyadeeda ku socda ama ka imanaya Israa’iil ay ka gudbi karaan hawada boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Barta Flight trader 24 oo u gaar ah dhaqdhaqaaqa diyaaradaha madaniga ah ayaa xaiijisay in duulimaadka tirsigiisu ahaa AI139 oo ka yimi magaalada New Delhi ee xarunta dalka Hindiya kuna socotay magaalada Talaabiib ay duulimaadkii ganacsi ee ku socda Israa’iil ee ugu horreeyey muddo 70 sano ah, ku dul haadday boqortooyada Sucuudiga.

Dhinaca kalana muftiga guud isla markaana ah guddoomiyaha golaha sare ee Fatwada boqortooyada Sucuudiga Sheekh Cabdalcasiis Aala Sheekh ayaa dhegeysiga muusikada iyo heesaha Jaaska loo yaqaanno. Waxa uu muftigu sheegay in caddaymaha (Daliillada) hore loo hayey ee xaaraantimiyeynaya muusikada ‘Jaasku’ ay yihiin kuwo daciif ah. Sidaa awgeedna uu muusiga ‘Jazz’ ku aanu xaaraan noqonayn, munaasabadaha lagu qabanayano muusiganna aan lagu sheegi karin macsiyo iyo kulamo hawo-raac ah.

Waxaa se xiise gaar ah leh in Sheekh Cabdalcasiisb Aala Sheekh marka uu ka hadlayey sababta uu heesahan Jazz ka oo keliya u banneeyey uu sheegay in qofka muslimka ah ee Carabka ahi aanu fahmayn sidaa awgeedna aanay xaaraan noqonayn, iyada oo la ogyahay in ay jiraan dadyow badan oo muslimiin ah oo aan carab ahayn si fiicanna u fahmayaan. Muftigu waxa uu intaas ku daray in fatwooyinkii hore ee xaaraanta ku sheegayey muusikadani ay yihiin kuwo ku dhisnaa xujooyin iyo axaadiis aan lagu kalsoonayn in nebi Muxammed (SCW) laga soo weriyey.

Waxaa xusid mudan in boqortooyada Sucuudigu ay isu diyaarinayso martigelinta bandhig muuskikada Jazz ka ah oo muddo saddex maalmood ah soconaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here