Sucuudiga Oo Hoggaamiye Kiristaan Ah Kudaray Dadka Sannadkan Uu Boqorku Lacagta Xajka Ka Bixinayo

26
3281

Beyruut (Geeska) – Martiqaad xajka ah oo ay dawladda Sucuudigu ugu deeqday guddoomiyaha Xisbiga the Lebanese Forces ayaa doodo xiise badan iyo muran ka dhex abuuray dadka reer Lubnaan iyo guud ahaan dunida muslimka. Guddoomiye Samiir Jacjac waa siyaasi Kiristaan ah oo hore madax uga ahaan jiray maleeshiyo kiristaanku lahaa oo dagaalladii sokeeye ee Lubnaan ka qaybqaadatay, dagaalka kaddibna isu beddeshay xisbi siyaasi ah.

Sannad kasta boqorka dalka Sucuudiga ayaa tiro dad ah ku casuuma xajka oo uu ka bixiyo kharashaadka xajka, kulamo kala duwanna la yeesho. Laakiin hore uma ay dhici jirin in hoggaamiyeyaal aan muslim ahayn uu xajka ku casuumo. Casuumadda guddoomiye Jacjac waxa ay sabab u noqotay in kumannaan dadka reer Lubnaan iyo Carabta kaleba ahi ay baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter k aka sameeyaan ol’oleyaal dacaayad ah oo ay kaga warramayaan casuumaddan yaabka leh iyo sababaha laga yaabo in ay boqortooyada Sucuudiga ku kalliftay in ay xajka ku casuunto hoggaamiye la ogyahay in uu diinta kiristaanka haysto, isla markaana xisbiga uu hoggaamiyaa yahay xisbi u gaar ah Kiristaanka dalka Lubnaan.

Sii haya hawlaha safaaradda Sucuudiga ee dalka Lubnaan, ayaa warbaahinta u caddeeyey wararka sheegaya in boqortooyada Sucuudigu ay dal-ku-galka xajka ee sannadkan u soo saartay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Lebanese Forces, waxa aanu sheegay in tiradoodu ay 25 masuul tahay, in kasta oo ay jiraan warar sheegaya in tirada runta ah ee masuuliyiinta xisbigan Kiristaanka ah ka tegi doonta xajku ay tahay 300.

Wargeyska Al-Akhbaar ee ka soo baxa dalka Lubnaan ayaa sheegtay in boqortooyada Sucuudigu ay sannadkan soo saartay 3 kun oo dal-ku-gal oo ay ugu talagashay in ay xajka ku casuunto masuuliyiinta iyo dadka muhiimka ah ee dunida muslimka, waxa kale oo ay soo saartay 2 kun oo dal-ku-galka xajka ah oo ay ugu talagashay guddoomiyaha xisbiga Future Movement, Sacad Alxariir iyo masuuliyiinta xisbigiisa. Sacad Al-Xariiri oo ah raysalwasaaraha imika ee dalka Lubnaan, waa muslim sunni ah oo xisbigiisu yahay xisbiga muslimiinta sunniga ah ee dalkaas.

Qaabka ay boqortooyada Sucuudigu u qaybisay dal-ku-gallada xajka bilaashka ah ee sannadkan ay ugu talagashay dalka Lubnaan. Dad badan ayaana ku dhalleeceeyey in boqortooyadu ay siyaasadaynayso xajka, taasina ay tahay sababta ay dadka Kiristaanka ah ugu casuuntay. “#Haddii aad doonayso xaj bilaa lacag lacag ah” waa magaca olole ay dadka reer Lubnaan ee arrintan layaabka ka muujiyey ka bilaabeen shabakadda twitter ka. Dadka ka fallooday mid ka mid ah oo aynu soo qaadanyna waxa uu qoray, “Raac Sheekh Samiir Jacjac iyo xaajiyo Sethrida” Mid kale ayaa qoray, “Qurux badanaa Jacjac oo u safraya si uu shaydaanka ugu soo dhagaxtuuro xajka” iyo tobannaan kale oo la mid ah. halka dadka qaarna ay baraha bulshada ku faafiyeen sawirka Samiir Jacjac oo ay u xidheen gadhweyn si ay ugu ekeysiiyaan Sheekh muslim ah oo waajibaadka xajka gudanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here