Subcis: Quraan iyo Qaraam:- Axmednagaashe.

2
966

Subcis waa eray inoogu suntan laba shay oo nolosheena ka mid ah, qiime wayna u leh jiritaankeena: Waa Quraanka oo ruux ah iyo Qaraamkoo nolol ah!!

Subcis waa erayga aynu ku ababnay ee aynu ku baranay Quraanka kariimka ah, waa eray muujinya niyad samaanta iyo u soo jeedka barashada sawdka Alle ee aan kaga sarrayno in kasoo marinka toosan seegtay. Waa erayga aan ku qiimayno qushuucda iyo qalbi ku habidda qawlka Alle markaynu u wadaagayno sida hadhuub caano ah oo hadduun la soo lisay.

Mar kale, Subcis waa magac aynu siinay mid ka mid ah dhawaaqyada ugu macaan muusiggeena, waa mid ka mid ah heesaheenna aan abidkood duugoobayn codadka lagu qaado. Waa summadda siraadkii uu shiday sayid Qarshe. Waa sawdka barakadiisa ka sita sirta Quraanka ee lagu suntay. Subcis waa sumad ay wadaagaan Kitaabkeena iyo Kamankeenu!!

Marka ummad la doonayo in la barto dun-samideeda iyo waxay dugsatee iimaan ahba, waxa la eegaa nolosheeda iyo waxay aaminsantahay siday isula saan qaadaan. Suugaanta umadeed waxay muujiysaa summadooda caqiido iyo waxay aaminsanyihiin halka uu salka ku hayo. Nasiib wanaag inaga Islaamnimadeena iyo suugaanteenu way isku sar go’anyihiin; muusigeenuna waaba marag buuxa oo midhkaa fura.

Quraanka kariimka ahi wuxu had iyo goor inna faraa garashada Alle iyo in aan kelidii uun ku kalsoonaano, kaalmona isaguun ka doonno. Waa aayaad iyo aqoon ay awowyaasheenii hore rumeeyeen qarniyo badan hortood. Ku darsoo awoodda Alle marnaba eray suugaaneed oo aynu leenahay oo meel kale kula kufaa ma jiro.

Sidoo kale suugaanteena oo muusigeenu ladhaa waxay had iyo goor inagu habtaa habrashada iyo u hilowga Alle oo keli ah. Suugaanteenu markasta awoodda ay cuskataa waa ta ma dhaafaanka ah ee Alle waxayna taasi muujinaysaa in erayadeena ku aroora awoodda Alle ay duxdoodu tahay diin.

Bal u fiirso sida Quraanku inoo baro u hogaansanaanta iyo rumaynta Alle iyo garashada xaqa uu inagu leeyahay ee Nabigeenii Suubanaa calayhi salaatu wasalaame xadiiska inoogu fasiray. “Buniyal Islaamu Calaa Khamsin………………….. intaad wada garanaysaan”. Durduurate durba diintii kol hadaad halkii laga galayayba ka bilawdee, bal hada waa guul kale iyo adoo cokkan! Siciid Saalax iyo suugaanteena u leexo! “Anba qaadka geeddiga sida awrta loo raro waxa lagu aloosaa magac Eebaheen iyo adin iyo af wada jira……………………………..”

Shantii tiir Islaam miyaanu suugaan soomaali ah kuugu sheegin, ku darsoo muusigga aad madaxa u ruxaysaana miyaanu ahayn mid ka unkamay barakadii subciska, Qarshe iyo Qaraamkii!!

U soo noqo subcis iyo Quraankii oo inoogu bishaaraynaya ballan qaad Alle iyo in gacmo aynu u hoorsanay aynaan ku hungoobayn. Dhuux oo keligaa bal dhagayso aayaadka muqaddaska ah ee Alle inagu yidhi “UDCUUNII ASTAJIB LAKUM”. Adoo sujuud la dhacay oo Alle ugu mahadnaqaya nimco aan soo xidhmayn, bal hadda sare kac oo qaraam tawasul ah iyo subcis Alle bari ah dhagayso.

Waa halkay ku kulmaan kitaabka iyo kamankeenuye ku xasil Sahra iyo subcis barakaysan “ Yaa Wayne wax lagaama waayi jirine, wanaag ii xigsii wax yeellada”.  Markaad ka sharaabto sawdkaa barakaysan iyo subciskaa la yaabka leh, bal adoo dubaaqaagu furanyahay is waydii waxa kaa dumay iyo maanta waxaad tabaysayo, fiirada ku dheerow oo bal fasiraad u doon fankeenii waxa fidnada loogu sheegay!!!

Waa marag ma doon inaad si iila damqanayso oo ay kuu muuqato nasiib darrada inna haysataa maanta. Subcis iyo labadiisii cod ee culllaaba cidlo ayaynu ka taagannahay. Subcis iyo Quraankii: signa, fatxa iyo surwaal gaab baa badalay.

Subcis iyo cuudkiina: qolfoof madhan oo nin qalaad gurigiisa la hor tagan qaylo aan wax tarayn!!

Comments are closed.