Su’aalo Ku Socda Sodogga Qarniga; Silanyo; W/Q Axmed Negaashi, Nayroobi Kenya

0
652

Odhan maayo sida dadka qaar qofkii dowlada wax ka sheegaa waa danbiile qaran. U hiilin maayo warbaahinteena aan hadalkeeda u meel dayin, halka se ay gar ku leeyihiin in loogu garaabo waan ku guubaaninayaa dowladda iyo dadkaba. Dafiri maayo waxa  muuqda ee dowladeenu dadka iyo dalkaba u qabatay, ku se ammaani maayo oo waa waajibkeedii oo ay gudatay. Ku saluugi maayo sayidii madaxwayne  si xunna wax kaaga sheegi maayo, su’aalo se waan kuu soo bandhigi oo waa sedkaygii muwaadinnimo adna sidaan filayo igu saydhi maysid.

Hadaba, sayidii, halka aan u socdo iyo su’aalaha aan kuu sido aan u dhaadhaco. Madaxweyne xukuumadaadu intii ay jirtayba waan u fiirsanayay, maalin kasta falkeedu wuxu marag fiican u noqdaa khalad aan looga fadhiyin. Waxa ugu danbeeyay waa in wasiiradaada iyo muwaadin qoyskaaga ka mid ahi ay musuqa magac wadaagaan! Hadalkaygaasi gef buu u eg yahay  gar se wuu noqonayaa hadaan su’aalahan soo socda  laga jawaabin:

Jariidada Haatuf waxay qoraysay in muddo ah warar sheegayay in wasiiro xukuumadaada ka mid ahi ay shilimaadkii cashuurta ahaa ee aan islahaa oday Axmed ummada ha ku jalo ay iyagu jeebadaha ku shubteen. Wasiir wax boobaa waa astaan Afrika lagu yaqaan waxa se xeerka dhaqankeenu  xaaraantimeeyaa  in qoys dhami ku heshiiyo inay masaakiinta quraacda ka xadaan! Madaxwayne inankii uu sodogga u ahaa xafiiskiisa ka dhex adeegtaa xageenna waa wax ku cusub. Waa markii inoogu horraysay muwaadin gef tirsanaya oo ay hiil u yihiin wasiiro sodoggii u shaqeeyaa. Fajaca arrintaa ku lamaani isna waxa weeye in qofka u dooda ee gar iyo gar darroba ku difaaca inanka inantu uu markaaba helo xil muuqda. Yaa salaam! Ma is tidhi “Silat-ul-Rixim ka” meel fiican baynu ka gaadhnay?

Sayidii madaxwayne sida ay ila tahay hadalkaygu ma marin habowsana waxa se uu haystaa majiire qumman. Meesha uu ka duulaya waa arrimahane ila eeg:

Jariidada Haatuf waxa ay dad aan ku jiraa ku haaraameen in ay baahisay warar iila muuqday wax aan jirin oo sharafta muwaaidiin reer Somaliland ah lagu dhaawacayay, haddase waxa ii cadaatay in aan anigu qaldanaa oo Haatuf qumanayd! Eedaymo culus oo musuq maasuq iyo shakhsiyaad si fool xun ugu takri falay awooda xafiisyadooda iyo xidid xilka madaxwaynaha ku xoolaystay bay jariidadu sheegtay.

Arintaas oo taagan ayay bilayska Somaliland inta ay qasab ku galeen xarutii Haatuf  rarteen agabkii xafiisyada yaallay joornaalkiina xayireen. Waxa ay mar kale amar siisyeen shirkadaha isgaadhiinta oo ay fareen in ay xannibaan website ka Haatuf oo aan laga daalacan karin Somaliland gudaheeda. Maan maqal muwaadin ama hay’ad dawladeed oo ka dacwooday wargayska. Waxa aan se maqalay in xukuumaddu ku eedaysay  in wargaysku baahiyay warar aan jirin oo dhaawacay sharfta dad muwaadiniin ah oo aan iyaguba soo dacwoonin, hase ahaatee iyadoo kuwaa la difaacayo ayaa kuwo kale xaqoodii lagu tuntay! May ahayn in hanti gaar loo leeyahay lagula wareego ashkato muwaadin kale ka timi ama hay’ad dawladeed waaba haday jirtee. Waxa haboonayd  in maxkamadu la xisaabtanto uun gudoomiyaha wargeyska iyo tifaftiraha guud oo la waydiiyo in ay cadeeyaan eedaha ay baahisay jariidadoodu ama ay raali galin iyo aduun xaal ah bixiyaan ama dee la xidho ba!

Nasiib darro, intaa midna lama yeelin. Hanti muwaadin ayaa lala wareegay, taa lafteedu waa gef iyo xaquuqdii dastuuriga ahayd ee mulkiilayaasha Haatuf oo lagu tuntay, waa ta labaade fariin cad bay ummada u diraysaa oo ah: in warka Haatuf suganyahay oo hadii ay maxkamad iyo caddayn la isla gaadho ay difaaci karaan wararka ay baahisay. Sidaa awgeed, waa sida ay u eegtahay e, waxa wasiirada iyo wiilka madaxtooyadu goosteen in ay adeegsadaan awooda dowlada si ay ula  wareegaan agabkii iyo faylashii Haatuf si ay hadhaw wax ay isku difaacdo u waydo jariidadu. Taasi waxa ay marag u tahay in Haatuf waxa ay baahisay caddaymo sugan u haysay, haddase mar hadii lala wareegay xafiiskeedii aanay heli karin wax ay isku difaacdo maa daama caddaymahoodii dowladu gacanta ku dhigtay, hadii aanay xataa wax caddayn ah haynin Haatuf marka ay tidhaa cadaymihii aan soo bandhigi lahaaba xukuumaddaa xoog kula wareegtay, waa hubaal in aanu iyada uun rumaysanayno oo aan xukuumadu waxba noo sheegi karin!  Waa tallabo fiicane oo ha la xidho Haatuf iyo shaqaalaheedaba hal baa se sayidii adiga iyo xukuumadaada ba hor yaal:  muwaadinka aniga oo kale ah sidee loogu qancinayaa in dowlada iyo dadka ay difaacaysaa ka gar  heleen oo Haatuf ay hagardaamo iyo dad iska horkeen wadday?! Mooyi.

Maalmo ka hor intii aan xafiiska Haatuf  bilaysku “ bililiqaysan”  waxa shir jaraa’id qabtay muwaadin reer Somaliland ah oo aan wax xil ah dowladda ka haynin.  Wuxu ka warramayay socdaal shaqo oo wasiirka arrimaha guduhu ku tagi laha dalka Kenya oo baaqday. Muwaadinkaasi wuxu  warbaahinta u soo bandhigay waraaqihii ay is waydaarsadeen saraakiil reer Somaliland ah iyo dhigooda Kenya, waxa kale oo uu soo bandhigay koobiyada tigidho ay isaga iyo wasiirka arrimaha guduhu ugu duuli lahaayeen Kenya. Muwaadinkaasi xil muu haynin sirta dawladdana suuquu ku hayay! Isla maalintaa muwaadinkaasi wuxu aad u dhaleeceeyay Haatuf iyo “wararka beenta ah” ee ay ka fidinayso muwaadin uu magaciisa ku sheegay Baashe, markii danbe se aan ogaaday in uu yahay inanka inanta madaxwaynaha. Isla maalintaa wuxu sheegay ninkaa odayga ahi in ay Haatuf  xadhig istaahisho lana xidhi doono. Dharaaro ka dib xaafiiski Haatuf  la “bililiqaysay”, gudoomiyihii iyo tifaftirihii guudna gudahaa la dhigay, ku darsoo isla muwaadinkaa waxa loo magacaabay xil dawladeed oo mudakar ah. Haatan waa la taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, waa mudane Cabdifataax Siciid Axmed. Halkaana bal dhuux oo maxaa dayaxa iyo wiilka isku beegay hadaanu xilka ku mutaysayn abaalkii uu ku helay difaacii inanka inanta?!

Haatuf dadka akhristaa waxay ku sheegaan wargeys aad u af dheer xogo badan in uu helaana ay u sahlantahay waana sababta aad is odhanayso malaha waaba loo xidhay marka aad muuqaalkan kalena aad u miliilicdo:

Waxa dalka yimid odayaal dhaqan oo gabigooduba ka socda beel qudha oo ah kuwa dega Somalia. Maalintii ay imanayeen waxa lagu soo dhaweeyay borotokol dawladeed iyo hannaan siyaasadeed oo inta Mars u jira maamuuska dhaqanka.  Markii ay soo degayeen madaarka waa loo xidhay, warbaahintana waa laga hor joogsaday si ammaankooda loo ilaaliyana waxa soo galbiyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU, garan maayo cidda laga ilaalinayay ee looga baqayay inay wax yeesho. Markii u horraysay ee ay hadleen waxay odayaashaasi sheegeen in ay u socdaan laba arrimood oo is barkan: in ay sida nabada loo sugo ka bartaan reer Somaliland iyo in ay wadaan waan waan “Midow Soomaaliyeed”. Waa la yaabe waxa ay ku soo beegmeen maalmo ay dowladu dafirtay in wax xidhiidh ahi dhex maray labada madaxweyen ee labada dal. Waa la yaab kalee dowlada aqbashay ee soo dhawaysay odayaal beeleed yidhi beel keli ah oo beelaha Somaliland ah baanu la shiraynaa oo u bandhigaynaa midow Soomaaliyeed macnaheed? Dowladu saw ma qirayso aragtidooda qaldan ee ah reer keli ah baa danbaaba Somaliland? Dowladu saw may aqbalin in aynu beelo nahay oo aynaan ahayn dowlad leh dastuur iyo marjac siyaasi ah. Dowladu saw may aqbalin in Somaliland aan la wada lahayn oo reer keli ahi leeyahay? Mise tolow beesha keli ah ee in ay la shirayaan la sheegayaaba waa beesha madaxwaynuhu ka dhashay oo ma aha ta kalee aan moodayo?! Mooyi.

Dowladda Somaliland hore ayay u sheegtay in ay gacan ku lahayd  samayntii dowlada xamar, markaa  tolow ma la is waydiin karaa in xidhiidh qarsoon oo aan la inoo sheegini jiro?! Mooyi

Arrimahaa iyo kuwo kale oo qofku is waydiin karo marka la eego, ma la odhan karaa sababaha  loo xidhay Haatuf  waxa ka mid ah in aanay daba galin socdaalkan odayaasha oo dowladu filaysay iyo sirta ku duugan?! Mooyi.

Waxaas oo dhan mark loo fiirsado, sayidii madaxweyne,  hadii aan ku idhaa dalka dad dugaag ah baad ku sii daysay ma danbi baa? Ma danbi baa hadii aan ku idhaa xilka iyo xididka kala fogee? Ma danbi baa hadaan ku idhaa wasiiradaadu iyagaa xaday xoolahaa ay Haatuf sheegtaye  iyada xaal sii oo xorriyadoodii u soo celi shaqaalaheeda xidhan? Muuqaaladaa  i horyaalla, sayidii madaxweyne, marka qofku aad u miliilico hadii uu su’aalahaa aan kuu soo bandhigay iyo kuwo ka duwan kala soo baxo, miyuu qaldamayaa mise qiil baa u bannaan? Aan ku soo dabree hadalkayga, sayidii madaxweyne ma adaa quman mise anigaa qaldan?!

Ciid wanaagsan sayidii, maalintii qaranimadaynu sugaynaaye!