Su’aalo Ay Tahay In Aynu Nafteenna Weydiinno Ka Hor Inta Aanu Dhammaan Sannadka 2017 (Q.1aad)

26
4053

Hargeysa (Geeska)- Subax kasta waxa uu qofka fikirayaa la soo toosaa rajo cusub iyo yididiilo ah in uu u qaado tallaabo hor leh oo uu ugu dhowaanayo xaqiijinta riyada uu ku hammiyo rumaynteeda. Haddaba maadaama oo aynu qarka u saarannahay in aynu sagootinno sannadkii 2017, waxaa muhiim ah in uu qofku naftiisa ku sameeyo xisaab xidh, si uu u garto inta ay le’eg tahay guusha uu gaadhay, iyo illaa xadka uu u dhowaaday himiladiisa. Si qofku uu xisaab xidhkaas u sameeyana waxaa qasab noqonaysa in uu naftiisa weydiiyo su’aalo ay jawaabtoodu u noqoto marag uu si fiican ugu xaqiiqsan karo in uu sannadkaas dhammaanaya guul ka gaadhay ujeedooyinkiisa. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu k ueegaynaa su’aalahaas muhiimka ah ee qof kastaa in uu is weydiiyo laga filanayo:

– Waa maxay wixii ugu weynaa ee magaca iyo faanka ii noqday sannadkan? Waxaa laga yaabaa in qofka marka lagu yidhi naftaada xisaabi sannadkii tegey, uu u qaato in laga rabo in uu soo ururiyo qaladaadkii iyo guuldarrooyinkii sannadkaas soo maray, laakiin waa in aynu ogaanno in nolosheennu ay isugu jirto tognaan iyo tabnaan, guusha aynu gaadhaynaana ay ku eegtahay inta ay tahay awooddeenna. Sidaa darteed ayaa ay u fiican tahay in bilowga su’aalaheenani ay noqdaan kuwo aynu ku eegayno dhinaca togan, innaga oo beeninayna aragtida qaldan ee dadka qaar qabaan ee ah in qofka oo guusha uu gaadhay ku farxa kuna faanaa ay tahay isla dhacsanaan iyo in qofku dagmo.

Waxaa muhiim ah in marka uu qofku su’aashan ka jawaabayo aanu qaadan aragtida dadka kale. Adigu su’aasha is weydii kadibna naftaadu ha ka jawaabto.

– Sheekh caqabaddii ugu weynayd ee aad sannadkan la kulantay? Waa arrin nolosha ka mid ah in aynu hadba badweyn iyo duruufo kala duwan galno. Ujeedada aynu ka leenahay in qofku xasuusnaado duruuftaas adagi waa in ay ka caawiso garashada awooddeena runta ah, oo hadda kadib hawsha aynu galayno iyo itaalkeenna muuqda iyo ka dadbanba isku qiyaasno. Waxa kale oo ay xasuustani innaga caawisaa in aynu casharro iyo cibaaro kala soo baxno duruuftaas.

Sannadkka tegey maxaa ugu muhiimsanaa ee aad baratay? Haddii aad hareerahaaga eegto waxa aad maalin kasta arkaysaa dad qabanaya hawlo kaa caawinaya in aad gaadho waxa aad doonayso. Dadkaas oo haddii aanad caawimada heli lahayn ay kugu adkaan lahayd in aad guul gaadhaa.

Marar badan waxa aynu baranaynaa in xushmaynta  dadka kale ay marar badan mucjiso abuurto, tusaale ahaan dhoolla caddayn  ama garabka oo aad u salaaxdo ruux waqti adag maraya ayaa marar badan kor u qaadi karta awooddiisa, suurtagalna ay tahay in ay ka caawiso ka gudubka duruuftaas.

– 365 maalmood ayaa ina soo maray ee ma ku raaxaysatay? Waxaa hubaal ah in sannadka ay ku jiraan maalmo farxad iyo nayaayiro badan iyo maalmo dareen murugo iyo duruufo adag aad martay. Waa in aynaan noqon dad dhanka xun uun wax ka eego oo sannadka intiisii foosha xumayd xasuusan. Aynu maskaxda ku soo celinno maalmihii qosolka iyo farxadda innagu dhaafay, aynu xasuusanno shaqooyinkii niyadwanaagga innagu reebay iyo buugaagtii aynu akhrinnay innaga oo ku raaxaysanayna oo aan mar keliya waqtiga dareemin.

– Maxaad isku dayday ee aad ku fashilantay? Ma jiro qof ka geesisan ruuxa ku dhici kara in uu qirto qaladaadkiisa. Dhammaanteen qaladaad ayaa aynu samaynaa, laakiin in innaga mid ah ayuun baa qaladaadkooda wax ka barta. Xasuuso qaladkii kuugu weynaa ama fashilaaddii kugu darnayd ee aad soo martay sannadka, kadib is weydii inta aad duruus ka baratay iyo sida ay mustaqbalkaaga u anfici karaan. Si aynu fashilaaddeenna u xasuusanno waa in marka ay innagu dhacdo aynu qornaa. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here