Spain Oo Cadhadii Kula Dul Dhacday Xulka Australia kadib Markii Ay Ka Gaadhay Guul Aanay Mahadin

0
900

Picture3Spain ayaa ciyaartay kulan koodii ugu danbeeyay ee koobka adduunka, maadaama ay labadii kulan ee hore ay guuldaro ka soo gaadhay xulalka Netherland iyo Chile taas oo macna-heedu yahay  inaanay heli doonin dhibco ku filan oo ay ugu soo baxaan wareega labaad ee koobka adduunka.

Weeraryahankii hore ee Barcelon David Villa ayaa u daahfuray goolasha, 36aad, kubad sameeyaha Barcelona Iniesta ayaa uga soo dhex dusiyey kubada difaaca Atletico Madrid ee Juan Faran oo kubad hadyada u dhigay laacibka Dived Villa  oo cidhib ku dhameestiray.

Qeybtii  hore ayaa ku dhamaatay iyadoo hogaanka ay heyso Spain, 15 daqiiqo qeybtii labaad ee ciyaarta, ayaa weeraryahanka Chelsea Fernando Torres si habsami leh u dhameestiray kubad uu u soo dhigay isla laacibka Andeare  Iniesta, isagoo hogaanka

Juan Mata ayaa dhankiisa lugta  bidix  ku dhameestiray kubad uu si cajiib ah ugu soo qaaday Cesc Fabregas kadib koontarool cajiib ah uu sameeyay, xiddiga Manchester United ayaa kubad hoose la eegtay goolhayeha Australia, daqiiqadii 82 ayey Spain seddexeesatay hogaanka ciyaarta.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay, seddex gool iyo jawaab la’aan oo ay kubadisay Spain, waa guushii ugu horeeyay ee Spain ay kagaadhay koobka adduunka ee Brazil ka socdo iyo guuldaradii seddexaad ee Australia soo gaardha, si walbo labada xul ayaa wadamadooda ku noqon doono.