Soonka Shimbiraha: Farsamo Dalka Turkigu Uu Carruurta Ugu Tababarayo Soonka Bisha Ramadaan

0
580

1Istanbul (Geeska)- Dawladda hoose ee degmada Ayuub oo ka tirsan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa bilowday hindise cusub oo maalin kasta oo ramadaan ah afur-wadareed lagu siinayo carruur da’doodu ka yar tahay 10 sano jir si loo jeclaysiiyo loona dhiirrigeliyo soonka.

Hindisahan oo ku waajahan carruurta da’doodu u dhexeyso Afar illaa Siddeed sano, ayaa laga rabaa in ilme kasta oo da’dan ahi uu maalintii soomo dhowr saacadood oo subaxda hore ka soo bilaabanaya, kadibna marka ay gaadho salaadda duhurka ay carruurta da’dan ah ee degmada deggen oo dhami isugu yimaaddaan fagaare weyn oo ay dawladda hoose ee degmadu leedahay si dhammaantood halkaas loogu wada afuriyo.

Dhaqankan ayaa soo noolaynaya barnaamij sidan oo kale ah oo ay dawladdii Cusmaaniyiintu samayn jireen laguna magacaabi jiray, ‘Soonka Shimbiraha”

Bilowgii barnaamijkan waxaa isugu yimid 150 carruur ah oo dhammaantood ay cid qoysaskooda ka mid ahi la socoto, waxa aana goobtan lagu siiyey afur wadareed, iyada oo sidoo kale afurka duhurka ah ee la siiyey uu ka horreeyey barnaamij masraxiyad carruureed iyo maaweelo ah, iyo sidoo kale qisas gaagaaban oo kuwa carruurta ah.

Masuuliyiinta hindisahan wadda ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dib u soo nooleeyaan dhaqankaas Cusmaaniyiinta. Dhinaca kalana warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey talefishanka Aljazeera waxaa kale oo lagu sheegay in guddoomiyaha degmada oo lagu magacaabo Ramsi Aaydan uu sheegay in barnaamijkani yahay mid bulshada oo dhan dhex u ah oo aan cid gaar ah u socon, dabaqad kasta iyo darajo kasta oo ay yihiin, waxa aanu xaqiijiyey in dhinaca kalana degmada Ayuub ay waddo barnaamijk ay maalin kasta afur-wadareed ku siiso dad waaweyn oo tiradoodu gaadhayso illaa 300 oo qof.