Soonka Iyo Sixada (7): Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Ay Khubarada Aan Muslimka Ahayni U Qireen Soonka

Published on May 24 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Soonku waa cibaado uu Alle addoomihiisa ku waajibiyey, si la mid ah sida uu cibaadooyinka kale ee salaaddu ka mid tahay ugu waajibiyey. Sida Alle looga bartayna marnaba addoomihiisa uma diro ficil iyo fal aanay ka dheefayn faa’iido, haba ugu weynaadaan faa’idooyinka dhinaca caafimaadka oo isugu jira kuwo nafsi ah oo ka dhalanaya dhismaha ruuxiga ah ee addoonku ka helayo cibaadada, ama ha noqdeen kuwo si la taaban karo ula xidhiidha caafimaadka jidheed ee qofka.

Inta badan faa’iidooyinka addoonku ka helo cibaadooyinkaasi waxa ay isugu jiraan kuwo markaas ba la garto iyo kuwo intii ka dambaysay muddada ka babadan 14 ka qarni ee islaamku jiray, hadba in ama qayb la ogaanayo.

Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadooyinkaas illaa maanta hadba qayb laga ogaado faa’iidooyinka mucjisada ah ee uu u leeyahay caafimaadka jidheed iyo ka nafsiga ah labadaba. Waxa uu gaadhay heer cilmibaadhisaha ugu muhiimsan ee casriga ah iyo baadhitaannada lagu sameeyey jidhka bani’aadamka iyo shaqada xubnaha aadamuhu ay soonka u arkin fal uu qofka doonaa ku kici karo, balse qaar badan oo ka mid ahi kaba dhigayaan waajib caafimadku qofka ku waajibinayo. Si la mid ah cuntada, neefsiga, hurdada iyo xarakaadka jidhka ayaa uu qofku ugu baahan yaha ysoonka, sida hurdo la’aanta ama cunto la’aanta waqtiga dheer ahi caafimaadka u dhaawacayso ayaana soon la’aanta muddada dheer ahi caafimaadka u khatar gelinaysaa.

Soonka waxaa waajibiyey dhammaan diimihii kala duwanaa ee Alle u soo dejiyey aadamaha, islaamka hortii, sida oo kale waxa uu ku jiraa qaar ka mid ah dahqannada diin la’aanta ah ee ka jira meelo ka mid ah dunida. Aadamaha oo keliya kuma gaar aha soonku, oo baadhisaha casriga ahi waxa ay caddaynayaan in xitaa xayawaanku uu leeyahay maalmo ama bilo is xiga oo uu cuntada ka af xidho, kalluunka, shimbiraha iyo xasharaadka ayaa ka mid ah.

Maqaal keliya iyo xitaa kutub tiro badan laguma soo koobi karo faa’iidooyinka tirada badan ee hore loogu sheegay caafimaadka, waagii kasta ee beryana la ogaanayo. Kuwaas oo dadka ogaanayaa ay isugu jiraan muslimiin iyo khubaro caafimaad oo aan muslimiin ahayn labadaba. Qormadan oo aynu xoogga ku saarayno xeeldheereyaasha aan muslimka ahayn ee dhinaca caafimaadka ka qiimeeyey soonka, una qiray waxtarkiisa, aynu ku bilaabaynaa ‘Holbrook’ oo yidhi, “soonku ma’aha fal keliya yimaadda oo taga, balse waa xaqiiqda la hubo iyo shayga keliya ee la dammaanad qaadi karo in caafimaadka uu u fiican yahay”

Qoraaga caanka ah ee iyaguna ka hadlay faa’iidooyinka soonku u leeyahay caafimaadka waxaa ka mid ah, saynisyahanka Maraykan ee Mark Faden oo ah khabiirka Maraykanka looga dambeeyo cilmiga jidhka, kana mid ah saynisyahannada waaweyn ee caafimaadka. Faden waxa uu qoray buug uu kaga warramayo faa’iidooyinka soonka, kaas oo uu ku sheegayo in uu tijaabooyinkiisa ku ogaaday in soonku uu dabiibi karo xanuunnada loo maaro waayo. Faa’iidooyinka uu xusay, dabadiina daraasado badani ka marag kaceen waxaa ka mid ah in soonku uu u fiican yahay caafimaadka jidhka, in uu jidhka ka nadiifiyo mariidka / sunta ka dhalata dawooyinka iyo cuntooyinka ee jidhka ku ururta.

Khubarada kale ee aan muslimka ahayn, ee tijaabooyinkooda iyo cilmibaadhisahooda ku qiray faa’iidooyinka soonka waxaa ka mid ah:

– Allan Cote: Waxa uu soonka u adeegsan jiray dawo uu ku dabiibo macaanka iyo cudurka afka Ingiriisiga ‘Gout’ lagu yidhaahdo. Cudurkan oo ay Carabtu ku magacowdo ‘Cudurka boqorrada’ waa awoodda dheefsiga iyo dheefshiidka jidhka oo hawlgabta, taasina ay sababto in uu asiidhku ku bato jidhka.

Allan Cote oo ahaa dhakhaatiirta aad loogu ammaanay dhinaca daweyntu waxa uu sheegay in cudurkan oo sababaha keena ay ka mid yihiin cunista badan ee oonta xoolaha iyo miisaanka badan, uu ku daweeyey soon.

– Dr. Carlson: Waxa uu ka mid ahaa khubarada caafimaad ee sheegay in uu soonka xanuunno badan ku dabiibay.

– Dr. Leik: Soonku waxa uu badbaadiyaa dadaalkii iyo tamartii ku bixi jirtay dheefshiidka, iyo shaqooyinka kale ee jidhku qabto si uu u burburiyo ugana faa’iideeyo cuntada, sidaa awgeed waxa uu jidhku tamartaas iyo awooddaas uga faa’iidaystaa shaqooyinka caafimaad ee u yaalla, sida bogsiitna nabarrada jidhka oo xilliga soonka aad loo dareemo, la dagaallanka cudurrada iwm.

Tom Burns: Isaga oo isagu soomi jirayba ayaa isaga oo ka hadlaya faa’iidooyinka soonka waxa uu yidhi, “In kasta oo aan marka hore u soomi jiray in aan miisaanka iskaga rido, haddana markii dambe waxa aan ogaaday in soonku leeyahay faa’iido ah in uu kiciyo xaydha ku ururtay (Fadhiisatay) jidhka, in uu caawiyo aragga, in uu maskaxda ka caawiyo shaqada iyo firfircooni ay fikrado cusub ku heli karto. Waxa aan dareemaa in soonku uu baraarujiyo dareenkayga oo uu iga ilaaliyo dhacdhaca, qiirada iyo shucuurta taban, sida xasadka, hinaasaha iyo xukun / awood jacaylka. Waxa kale oo uu naftayda ka ilaaliyaa arrimaha la xidhiidha nafsadda ee cabsida, isku dhex daadashada, iyo daalka niyadda ah.

Soonku waxa uu jidhka ka ilaaliyaa dhagaxaanta ku samaysma xubnaha qaar, sida kelyaha, cadka dheeraadka ah ee jidhka ku dhex abuurma, kiishashka xaydha ah ee jidhka gudihiisa ku samaysma, burooyinka bilowga ah. Waxa kale oo uu yareeyaa macaanka dhiigga raaca. Waxa kale oo uu ganaca siiyaa fursad uu shaqada culus kaga yara nasto. Ganacu waxa uu soo daayaa maadadda Insulin oo sonkorta jidhka gasha u beddela maaddooyin jidhka u faa’iideeya.

Haddii cuntada caloosha gelaysaa ay ka badato xaddiga Insuliin ee uu ganacu soo saarayo, waxaa dhacaysa in ganaca uu ku dhaco daal iyo culays illaa heer uu awoodi kari waayo in uu shaqadiisa qabto. Waxa aanay sababtaa in heerka sonkorta dhiiggu ay kor uga kacdo inta caadiga ah, waxa aanu ku dambeeyaa cudurka macaanka. La soco…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!