Soonka Iyo Sixada (5):Cuntooyin Burburintoodu Dheefshiidka U Fududay Oo Suxuurta Ku Wanaagsan

0
696

Washington (Geeska)- Guud ahaan cuntadu waxa ay qofka u tahay difaac ay cudurrada ka dhowrto, tamar ay jidhka siiso si uu awood ugu helo gudashada waajibaadkiisa iyo nafaqo. Sidaa awgeed kama maarmo in uu qofku maalin kasta cuno cuntooyin kala duwan, maadaama oo aanu hal cunto ka helayn faa’idooyinkii uu caafimaad ahaan u baahnaa oo dhan.

Dhinaca kalana waxa dhacda in bisha soonka uu dad badan miisaan ku kordho, taas oo ka horimanaysa mid ka mid ah xikmadaha ku jira soonka oo ah caafimaad, sidaa awgeed waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyaan in sida ugu fiican ee qofku u heli karo faa’idooyinka cunto ee aanu ka maarmayn isla markaana uga taxaddari karo in miisaankiisu kordhaa ay tahay in uu cuno cuntooyinka gaska/ganka leh.

Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dadka waayeelka ah ee cuna cuntooyinka hodanka ku ah gaska/ganka ay ku yaryihiin xanuunnada iyo adkaanta/qallafka ku dhaca jilbaha oo inta badan ka dhasha xubno xanuunka.

Dr. Chawley Dai oo ka tirsan jaamacadda Tufts ee magaalada Boston dalka Maryakanka ayaa sheegtay in cuntada dhirta ah ee ganka/gaska lihi ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ay si aad ah hoos ugu dhigaan dufanka

Kalastaroolka isla markaana wanaajiyaan heerka macaanka dhiigga. Dr. Chawley waxa ay sheegtay in caadi ahaan ninka da’diisu tahay 51 iyo ka badan in ay u fiican tahay in uu maalintii cuno qiyaas ah 22.42 giraam oo dumarka ah iyo ragga oo 28 giraam ah maalin kasta.

Waxa ay daraasaddu sheegtay in cuntooyinka gaska/ganka lihi ay xakameeyaan buurnimada, isla markaana yareeyaan xaglo xanuunka. Dhinaca kalana daraasad lagu sameeyey Afar kun toddoba boqol iyo sagaashan iyo lix qof oo isugu jira rag iyo duamr, si loo ogaado saamaynta caafimaad ee cuntada gaska/ganka, waxa aana lagu ogaaday in dadka cuna cuntooyinka galka leh ay boqolkiiba 30 ku yar tahay ku dhicista xanuunnada ku dhaca jilbaba, bararka lugaha iwm. Sida oo kale cuntooyinka gaska/ganka leh waxaa lagu daweyn karaa xaglo xanuunka iyo in uu miisaanku hoos u dhaco.