Soonka Iyo Sixada (4):Cuntooyin Burburintoodu Dheefshiidka U Fududay Oo Suxuurta Ku Wanaagsan

0
703

Hargeysa (Geeska)- Ramadaan waa bil cibaado iyo waqti Alle (SWT) ugu talagalay in nafta laga xakameeyo dheeldheelka iyo waxa ay jeceshay oo cuntadu ka mid tahay, waqti badanna la geliyo cibaadadiisa. Laakiin haddana rasuulku waxa uu dhiirrigeliyey in aan laga tegin suxuurashada, maadaama oo ay xigaan saacado aad u badan oo aanu qofku wax cuni doonin.

Inta badan waxaa dhacda in nooca suxuurtu tahay ay saamayn ku yeelato qofka maalinnimadii oo tusaale ahaan dibiro badan, naqas, cillad caloosha ah iyo dhibaatooyin la mid ah keento.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa hay’adda gurmadka degdegga ah ee caafimaadka ee dalka Qadar ay ku sheegaysaa talooyin la xidhiidha cuntooyinka burburintoodu u fududahay dheefshiidka, ee ay ku fiican tahay in lagu suxuurto. Waxa aanay kala yihiin, Caanaha, Caano fadhiga (Sabaadi), Malabka, Khudradda iyo Kimista (Khubus).

Waxa kale oo ay hay’addu ku talinaysaa in qofku uu guud ahaan habeenkii cabbitaanno badan cabo si uu maalintii uga badbaado oonka iyo tamar darrada.

Waxa ay hay’addu sheegtay in xitaa haddii aanu qofku cunayn cuntooyinka aynu soo sheegnay ay muhiim tahay in uu ka fikiro cunto uu dheefshiidku si sahlan u burburin karo.