Soonka Iyo Sixada (4): Marka Ay Qasab Tahay In Bukaanka Macaanku Uu Soonka Jebiyo Iyo Talo La Xidhiidha Jimicsiga

32
2758

Hargeysa (Geeska)- Noocyada cunto iyo xilliyada ku habboon waxa ay muhiimad gaar ah sii yeeshaan xilliga lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka, qormadani waxa ay ka kooban tahay laba qaybood oo kala ah; qayb aynu ku eegayno su’aalo la xidhiidha arrimo in badan dadka soomani is weydiiyaan ama dadka qaar ka aaminsan yihiin soonka, iyo qaybta dambe oo ah talooyin ku aaddan dadka qaba macaanka ee bisha soon soomaya:

In xilliga suxuurta la cabbo biyo ama cabbitaan kale, ma kaa caawinaysaa in aanad maalintii harraadin?

Biyo ama cabbitaan badan oo aad cabto xilliga suxuurtu kaama ilaalinayo in aad maalintii harraaddo. Jidhka bani’aadamka ayaa u abuuran in uu iska saaro dareeraha inta uu u baahan yahay ka badan ee soo gala, sidaa awgeed cabbitaanka badani keliya waxa uu sababayaa in jidhku dhaqso isaga soo saaro dareerahaas (Kaadi badan). Laakiin harraadka maalinnimo waxba kama beddelayo.

In aad ciyaarto (Isboortiga) ama jimicsato afurka ka hor, ma fududaysaa in miisaanku dhaqso u dhaco ama xaydh badani jidhka ka gubato?

Caafimaad ahaan waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in aanay fiicnayn in la ciyaaro ama la jimicsado marka la sooman yahay. Xilliga soonka jidhku waxa uu ku jiraa xaalad burbur iyo tacab ah, sidaa awgeed jimicsiga ama ciyaartu dhibaato keliya ayaa ay ku ii kordhinayaan. Dhinaca kalana, salaadda taraawiixda oo la joogteeyaa waxa ay jidhka kaga filantahay baahidii jimicsi iyo xarakaadkii xubnuhu u baahnaayeen.

Cabbitaanka sharaabku ma buuxin karaa baahida biyood ee jidhka?

Cabitaannada kala duwan ee sharaabka noocyadiisu marnaba ma buuxin karaan baahidii biyo ee uu jidhku qabay.

Talooyin ku habboon qofka macaanka leh ee sooma

Caadi ahaan macaanku waxa uu ka mid yahay xanuunnada ugu badan ee qofka ka hor istaagi kara ama aan qaadi karin soonka, sidaa awgeed qofka macaanka leh, gaar ahaan dadka qaba nooca labaad ee qaata insulin, waxaa u fiican in aanay soomin illaa uu dhakhtarku u fasaxo. Iska jir in macaankaaga oo xakamaysan ama aan aad u kicin awgeed aad ku dhiirrato in aad soonto, adiga oo aan la tashan dhakhtar hubiya kicitaanka macaankaaga iyo heerarka uu gaadho, isla markaana, haddii ay noqoto in aad soonto, waa in aad heshaa talo dhakhtar oo la xidhiidha waqtiyada ku habboon dawo qaadashada iyo noocyada cunto ee u fiican.

Maadaama oo uu macaanku ka mid yahay xanuunnada waayadan dambe ugu badan Soomaalida waxa aynu hoos ku eegaynaa talooyin lagama maarmaan u ah qofka sooman.

  1. Haddii uu macaanku dhaco soonka jebi: Haddiiba qofka sooman ee macaanka leh, uu macaankiisu ka hoos maro
    70 mg / dl, waxaa waajib ah in uu sida ugu dhaqsaha badan u jebiyo soonka. Waayo haddii uu macaanku heerkaas gaadho waxaa jidhka ka lumaya awoodda uu u leeyahay isu dheellitirka jidhka. Marka uu xaalku halkan gaadho xarakaad ama dhaqdhaqaaq uu qofku sameeyaa waxba kama tarayo kor u soo qaadista heerka macaankiisa. Dad badan ayaa aaminsan fikir qaldan oo ah in socodkaas iyo xarakaadkaasi ay macaanka dhacay kor u soo qaadi doonaan.
  2. Waqtiga dawada ha beddelin: Bukaanka macaanka ee soomaya waxaa mamnuuc ka ah in uu waqtiyada dawo qaadashadiisa beddelo isaga oo aan la tashan dhakhtar takhasus ah.
  3. Isbeddelka noocyada cuntada ayaa macaanka kicin kara: Isbeddelka noocyada cuntada ee bisha soon dhacaa waa uu kicin karaa macaanka, ama uu si guudba u sii xumayn karaa xaaladda qofka macaanka qaba, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in uu u tago dhakhtar ku takhasusay ama faham fiican u leh nafaqada iyo cunto qaadashada cudurka macaanka ku habboon. Arrintani waa tallaabo muhiim ay tahay in la qaado inta aanu qofku soomin ka hor.
  4. Haddiii macaanku kaco soonka jebi: Bukaanka qaata dawada Insulin, haddii uu macaankoodu kaco, waa calaamad khatar mujinaysa, sidaa awgeed bukaankaas uma fiicna in uu soonka sii dhammaystiro. In uu macaanku uu ka sarreeyo 250 mg/dl, ayaa iyaduna ah farriin kale oo bukaanka faraysa in uu dhaqso u afuro, isla markaana ku dadaalo in uu macaankiisa heerka caadiga ah ku soo celceliyo.
  5. Biyo cab: Qofka macaanka leh ee soomaya waxaa la gudboon in waqtiga u dhexeeya afurka iyo suxuurta uu cabbo biyo badan, isaga oo ku dadaalaya in aanu mar keliya qudh-qudhin, si aanay ugu keenin dhereg ka hor istaaga biyaha. Biyaha oo jidhka ku yaraadaa waxa ay lumin karaan isu dheellitirnaanta heerka macaanka jidhka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here