Soonka Iyo Sixada (3): Talooyin Ku Aaddan: Nafaqada, Dufanka, Biyaha, Khudaarta, Milixda, Sonkorta Iyo Suxuurta

0
107846

Hargeysa (Geeska)- Noocyada cunto iyo xilliyada ku habboon waxa ay muhiimad gaar ah sii yeeshaan xilliga lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka, qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin muhiim u ah qofka sooman si gaar ah u caawinaya xilligan xagaaga.

  1. Iska jir cunista cuntada qaniga ku ah dufanka: Iska jir in aad ku fogaato cunista cuntooyinka shiilan oo la ogyahay in ay saliidda cabbaan iyo kuwa duxdu ku badan tahay, sida hilibka.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in qaabka cuntada loo diyaariyaa ay qayb ka qaadato faa’iidada ama khatarta caafimaad eek a iman karta, sidaa awgeed waxaa talo ah in la xakameeyo isticmaalka saliidaha wax lagu shiilayo. Sida oo kale iska jir in aad dhigato saliidda aad mar wax ku shiilatay, si aad marar dambe oo kale ugu shiilato. Daraasado kala duwan ayaa caddeeyey in saliidda oo mar dabka gasha, haddii mar labaad laga faa’iidaysto ay keeni karto xanuunno uu ka mid yahay cudurka kansarka.

  1. Milixda iyo sonkortuba harraadka ayey badiyaan: Milixda iyo sonkortu waa labada shay ee loogu isticmaalka badan yahay dunida, haddana la isku waafaqsan yahay in ay khatar ku yihiin caafimaadka qofka. Dhakhaatiirtu mar kasta waxa ay ka digaan isticmaalka badan ee milixda iyo sonkorta oo in la iska daayaa fiican tahay. Bisha soon marka laga hadlayana, khatartooda caafimaad waxaa u dheer dhibaato kale. Labaduba waxa ay sababaan harraad badan, gaar ahaan dadka waaweyn, hooyada uurka leh, ama naaska jaqsiisa iyo carruurta yaryar. Maadaama oo ay harraad badan keenayaan waxa ay sababi karaan in qofku u adkaysan kari waayo soonka maalintii, gaar ahaan xilligan xagaaga ah oo sidiisa u harraad badan. Qofka soomayaa waa in uu iska yareeyo cuntooyinka milixda iyo sonkortu ku badan yihiin si aanay jidhkiisa ingag ugu keenin.
  2. Cunto nafaqo leh, dheefshiidkana u fudud: Inta badan dadkeennu marka laga hadlayo nafaqo waxa ugu badan ee ay ka fikiraan waa dufanka. Laakiin caafimaad ahaan marka nafaqo laga hadlayo waxaa looga jeedaa macndaha iyo maaddooyinka caafimaadka u fiican ee cuntada ku jirta. Xilliga soonka waxaa fiican in qofku uu ku afuro cunto nafaqo u leh jidhka, isla markaana dheefshiidkeedu fudud yahay, sida timirta, shurbadda, saladhyada, iwm. Cuntooyinkani waxa ay jidhka ka caawiyaan in uu si tartiib-tartiib ah u soo ceshado cusbada, macdanaha iyo dareeraha kaga baxay saacadihii badnaa ee uu af xidhnaa. Waxa kale oo ay cuntooyinkani caawiyaan in uu jidhku isu dheellitiro heerka sonkorta dhiigga ku jirta.
  3. Biyo badan cab: Biyuhu waa qaybta ugu badan qaybaha uu jidhka bani’aadamku ka kooban yahay, in heerkoodu hoos u dhacaana waxa ay keentaa surmi in jidhku ingago. Maadaama oo xilli xagaa ah lagu jiro jidhku waxa uu saarayaa biyo badan, marka maalintii oo dhan qofku af xidhnaadana dhibaatada arrintaas ka dhalan kartaa waa ay sii kordhaysaa, sidaa awgeed talada ugu fiicani waa in aad afurka iyo suxuurta dhexdooda biyo badan cabto. Mar keliya biyo badan ha wada cabbin, laakiin saacadahaas aad haysato kolba in yar cab si aanay dibbiro kuugu keenin. Waa ay fiican yihiin sharaabadu, gaar ahaan kuwa xilliga xagaaga ku habboon oo ah, Karkadeega, xamarta iwm. Laakiin dhakhaatiirtu waa ay ka digaan in xilliga ramadaanka aad loo cabbo sharaabbada warshadaysan oo in ay ‘Kalooriyada’ jidhka ku kordhiyaan mooyee aan lahayn faa’iido kale oo cunto ama nafaqo.
  4. Khudradda iyo midhaha: Khudradda oo aynu uga jeedno teeda cagaaran iyo guud ahaan khudradda dabka gasha, iyo midhaha oo ah khudradda sida geedka lagaga soo gooyo lagu cuno sida tufaaxa, labaduba waxa ay u fiican yihiin caafimaadka, waana il hodan ku ah faytamiinnada iyo macdanaha kala duwan. Si gaar ah ayaa ay noocyada khudradda iyo midhuhu ugu fiican yihiin caafimaadka bisha soonka, maadaama oo ay leeyihiin awood ay ku kabi karaan waxyaabaha qofku ku waayo gaajada iyo biyo la’aanta saacadaha badan ah.
  5. In jidhka laga shaqaysiiyaa waa muhiim: Jimicsigu waxa uu ka mid yahay arrimaha aan looga maarmin caafimaadka fiican. Maadaama oo qofku gaajada iyo biyo la’aanta awgeed itaal darreeyo xilliga soonka, waxaa dhacda in uu xarakaadka jidhka yareeyo. Haddaba dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qofku si uu u soo buuxiyo kaalinta jimicsiga iyo xarakaadka jidhka, uu u baahan yahay in uu ugu yaraan salaadaha u lugeeyo masaajidka, oo weliba ay fiican tahay masaajidka uu og yahay in uu ka yara durugsan yahay guriga ama goobta shaqada ee uu joogo. Waa jimicsi aanu qofku dareemayn, maadaama oo uu u socdo ujeedo kale oo dabcan salaadda ah.
  6. Suxuurta: “Nebi Muxammed (SCW) ayaa inagula dardaarmay suxuurta, isaga oo inoo sheegay in ay barako leedahay” Suxuurta waxaa ay dhakhaatiirtu ku sheegeen cuntada ugu muhiimsan ee qofka soomani cuno, waxaa muhiimadda u sameeyey waqtiga ay ku beegan tahay oo ah daqiiqado ka hor bilowga af xidhnaanta. Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in suxuurtu ay noqoto cunto ay ku badan yihiin curiyeyaasha, macdanaha iyo nafaqooyinka muhiimka u ah caafimaadka, barootiinta ayaa iyaduna muhiimah sida in uu qofku cabbo koob caano ah, in uu khudrad cuno iwm.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here