Soonka Iyo Sixada (19): Faa’idooyinka Khudraddu U Leedahay Caafimaadka Wadnaha Iyo Sambabada

0
931

Haddii aad hore ugu ogeyd timirta in ay tahay cuntooyinka aasaasiga ah ee bisha Ramadaan, maadaama oo ay si tayo badan leh ula dagaalanto mariidka, isla markaana ay leedahay faytamiinno ah noocyada E, B iyo A waxa aad ogaataa in isla faytamiinnadaas awgood ay sida oo kalana tahay dawo u fiican caafimaadka maqaarka iyo timaha.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa qaabab kala duwan oo timirta loogu isticmaali karo qaabka kiriimada jidhka nafaqada iyo quruxda geliya.

Timirtu waxa ay la gaar tahay waxtarka ah in ay maqaarka duxgeliso kana hortagto calaamadaha gabowga, sida oo kale waxa ay leedahay nafaqooyin si awood leh u daweeya dil-dillaaca maqaarka ku samaysa, waxa kale oo ay timirtu cusboonaysiisaa unugyada si ay u beddelaan unugyada dhintay ee maqaarka, waxa ay jilcisaa maqaarka waxa aanay la dagaallantaa coodhcoodhka. Marka dhinaca madaxa laga hadlayana waxa ay nafaqo gelisaa diirka madaxa, waxa ay gacan ka geysataa qarinta cirrada, waxa ay daweysaa toxobta, waxa aanay yaraysaa dhibaatada timo daadashada.

Maqaarka

– Afar xabbo oo timir ah ayaa lagu darayaa koob biyo diirran ah, habeen ayaa ay radsanaanaysaa, illaa ay jileec isu beddesho, kaidb waa la isku walaaqayaa illaa ay sida cajiinka noqdaan. Markaas kadib ayaa maqaarka wejiga la marinayaa, waxa aaanay khubaradu sheegeen in ay maqaarka geliso faytamiinno kala duwan, macadanno iyo cusbooyin uu jidhku u baahan yahay si uu dhalaalka iyo quruxda dabiiciga ah u ilaashado.

– Timir la cajiimay haddii lagu daro liin dhanaan la tuujiyey oo loo qiyaasay timirta la cajiimayo in ay si fiican u wada qoynayso, kadibna wajibka lagu dahaadho, muddo 30 daqiiqo kadib ahna laga maydho, muddo marka lagu wado, waxa isu ekaanaya midabka wejiga ee laga yaabo in uu kala noocnooc noqdo dadka qaar qorraxda iyo qabowga badan awgood, waxa aana tirtirma baraha madow iyo nabarrada.

Timaha

– Shan malqacadood oo ah timir la cajiimay ayaa lagu darayaa 4 malqacadood oo saliid saytuun ah iyo koob caano ah, kadibna iyada oo isku walaaqan ayaa timaha lagu dhoobayaa, muddo saacad ah ayaana lagu deynayaa. Kadib biyo diirran iyo shaamboo caadiya ayaa lagaga maydhayaa, waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu toddobaadkii hal mar isticmaalo timirta sidan ah.